Ballan ka bax ay sameyn rabeen madaxda Maamul Goboleedyada oo London ku fashilmay

London (Caasimadda Online) – Madaxda Maamul Goboleedyad dalka Soomaaliya ee Puntland, Jabbalnad, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa ku fashilmay isku day ay xalay ka sameeyeen Magaalada London oo ahaa inay ka qeyb noqdaan madaxda khudbooyinka jeedinayo.

Maamul Goboleedyada ayaa xalay cadaadis ku saaray qaban qaabiyaasha shirka, waxayna dalbadeen in khudbooyin laga siiyo shirka London, taasoo ah ballan ka bax ay ku sameeyeen madaxweyne Farmaajo oo markii hore ka codsaday inaysan wax saameyn ah ku yeelan shirkaas isla markaasna go’aanada iyo khudbadaha looga dambeeyo dowladda dhexe.

Wararkii ugu dambeeyey oo aan ka helan illo wareedyo ku sugan shirka London ayaa sheegayo in khudbooyinka laga reebay Maamul Goboleedyada, isla markaasna qudbada Soomaaliya uu kaliya jeedin doono Madaxweyne Farmaajo taasoo dhabar jab iyo ceeb weyn ku ah Madaxda Maamul Goboleedyada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa asbuucyo ka hor Magaalada Muqdisho isugu keenay Madaxda Maamul Goboleedya, waxayna ku heshiiyeen inay dowladda dhexe uga dambeeyaan shirka London iyo go’aamada kasoo bixi doono, waxaana hadda muuqato inaysan Maamul Goboleedyada ku qanacsaneyn inay dowladda Soomaaliya ka dambeeyaan.

Shirka London ayaa waxaa looga hadli doonaa Mustaqbalka Soomaaliya ilaa 2021, waxaana ka qeybgalayo ilaa 40 dowladood oo ka kala tirsan qaaradaha kala duwan ee Adduunka, waxaana la filayaa inay kasoo baxaan arrimo xasaasi ah oo ku saabsan Soomaaliya.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET