Shariif Xasan oo Xog dheeraad ah ka bixiyay Shirka Magaalada Londo (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku sugan magaalada London ayaa ka hadlay Shirka Madaxda Soomalida iyo Caalamka uga furmay magaalada London.

Shariif Xasan ayaa sheegay in shirkaani uu ka duwan yahay shirarkii hore waxa uuna tilmaamay in ka faa’iideysiga shirka uu yahay mid khuseysa Soomaalida.

Waxa uu Shariif Xasan tilmaamay in shirka uu ku furmay qaabkii loogu tallo galay waxa uuna farta ku goday in Madaxda Soomaalida ay ka go’an tahay inay ka miro dhaliyaan shirka.

”Shirkaani waxa uu nooga duwan yahay shirarkii hore, waxa laga hadlayo waa arrimaha ugu muhiimsan Soomaalida waxa ay rajadeenu tahay inaan shirka kala soo laabano guul iyo qodobo muhiim u ah Soomaalida”

”Wey iska muuqataa in ujeedkeena uu yahay inaan xal waara u helno xaaladaha ka jira dalka, dowlada qura ma dhalinkarto hormar waxaan la hureynin inaan kaashano caalamka naga awooda badan”

”Qodobada aan la hortagnay shirka iyo isku xirnaanshiyaheena aad ayay usoo dhaweysay dowlada Britain ee marti galisay iyo dhammaan madaxda kalaba”

”Qorshaha noo degan waa inaan shirka uga danbeynaa dowlada federaalka maadaama ay naga sareyso, waxa ayna rajadu tahay inaan lasoo laabano qodobo cad oo dhiirigalin doona dowlada, maamul goboleedyada iyo shacbiga Soomaliyeed”

Shariif Xasan ayaa ku celcelshay in dowlada federaalka ay leedahay go’aanada ugu badan shirka, waxa uuna sidoo kale tilmaamay in hogaamiyayaasha maamul goboleedyada ay diyaar u yihiin inay ku raacan talaabo waliba oo maslaxad u ah Somalia.

Haddalka Shariif Xasan ayaa kusoo beegmaaya xili Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu shaaciyay in Somalia ay ku mideysan tahay shirka London.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com