Toos u daawo: Shirka London ee arrimaha Soomaaliya

Waxaa maanta magaalada London ee Caasimadda dalka Ingriiska si rasmi ah uga furmay shirka looga hadlayo Mustaqbalka Soomaaliya ilaa sanadka 2021.

Shirkaan waxaa kasoo qeybgalayo ku dhawaad 40 dal oo ka kala tirsan adduunka, sidoo kala waxaa ka qeybgeli doono guud ahaan qeybaha kala duwan ee Soomaaliya, waxaana hormuud u ah dhammaantood dowladda dhexe ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirka waxaa xoogga lagu saari doonaa in laga “Habdhiska Amniga Qaranka”  ee dhawaan madaxda Soomaalida ay Muqdisho ku gaareen iyada oo laga ambaqaadayo dhismaha ciidamada xoogga dalka iyo la dagaalanka waxa loogu yeero argigixisada.

Shirka waxaa Ajendayaashiisa ka mid ah in looga hadlo siyaasadda Soomaaliya iyo in dib u habeyn lagu sameeyo hey’adaha dowladda federaalka ah sida Federaalism-ka, Siyaasadda is dhexgal-ka iyo doorashada dalka ka dhici doonta 2020-ka ee qof iyo codka ah.

Si toos ah hoos uga daawo shirka

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET