Somaliland oo sheegtay in Ethiopia ay saami ku yeelan doonto dhaqaalaha dekedda Berbera

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Ganacsiga ee Maamulka Soomaali-land oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Berbara ee Soomaali-land ayaa sheegay in Dowladda Ethiopia ay Saami ku yeelan doonto dhaqaalaha ka soo xarooda Dekedda Magaalada Berbera.

Wasiirka oo ka hadlay xaflad Dowlada Imaaraadka loogu wareejinaayay Dekedda ayaa sheegay in Dowladda Ethiopia la siin doono lacag gaareysa 19% arintaas oo noqotay mida ugu hadal heynta badan maanta dhulka ay Soomaalidu degto.

Arinta Dekedda ber bera ayaa ilaa hadda waxaan la ogeyn waxa kaga qorsheysan dowladda Soomaaliya Madaxweynaha Soomaaliya markii uu tagay dalka Imaaraadka ayaanan si cad ama faah faahsan kaga hadlin Arinta Saldhigga Ber bera iyo Dekedda Ber Bera lamana oga sida uu xaalku noqon doono.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET