Garowe (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in wax ka badalka dowlada Soomaaliya ku sameysay dastuurka dalka uu keenayo khilaaf hor leh oo soo kala dhex gala dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland.
Warsaxaafadeedka oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in dastuurka dalka laga badalay qodobo badan, balse taasi ay keeni doonto khilaaf hor leh, sida qoraalka lagu sheegay.


