Cadkeey isku hayaanee, caanuhu wey isugu jiraan (Faallo uu qoray DULYAR)

Shaki kuma jiro  in ay shalay  Soomaalidu  is wada dishay oo  kala qaxday,is  wada xumeysay oo  hadana is nacday, iyadoo badankoodu aaneey  ogeyn sababta dadkii  is jeclaa oo wada daganaa waqtiga dheer  ey sidaa u sameynayaan  ama isku gumeynayaan, qaar bayse  la fogaatay  waagaa cuqdadda laga  dhex abuuray bulshada oo waxey  rumeysteen in sidii loo dirirayay  waligeed loo coleysnaan doono, kuwana inta badan waa ka fogaadeen wixii fool xuma ahaa ee  dalka ka dhacayay,oo waxaaba la oran karaa taa badalkeeda wey ka xumaayeen  wixii hareerahooda lagu falayay waxna kama qaban karin.

Maantana   dib beey  isugu soo laabatay Iyadoo aaney jirin meel si dhab ah  looga wada   hishiisiiyay  wixii kala gaaray  ama   cid u kala  balan qaaday in ay daawo u  heshay  xumaantoodii  oo aaney dib dambe u soo laaban doonin, iminka wey wada ganacsadaan  oo  is dhexqaadaan, dhibka wey isaga damqadaan,weyna is gargaaraan, sidii bey isu guursadaan oo ubad isugu dhalaan,amaba u wada sheekeystaan  una kaftamaan, dabcan waxabaa jira si kastooy isu dishay ama u kala hayaantay aan ogoleyn kala maqnaanshahooda.

Waxaaba la oran karaa  waqtigaan  Xig yar baa ka soo laabtay damiirkii iyo Dadnimadii  ay dharaarta cad ka  dheelmatay   bulshadaani  kuna xambaartay sameynta wax kasta oo aan wanaagsaneyn, waase  goor ay dhaceen wixii dhici lahaa  goorta la soo  baraarugay oo  la is weydiiyay waxa ay Soomaalidu  isku qoonsatay iskuna leysay ama ku kala tagtay.

Wey fiicnaan laheyd in maalmo hore sidaa loo fikiro oo la is weydiiyo Su’aalo badan,balse aan u daayo  Qadarta iyo in   ay si  qunyar qunyar ah  dadku u soo fahmayeen waxa isku diray ama kala geeyay in ay tahay oo qura  SIYAASADDA, oo nin waliba  ama Koox waliba ku dooneysay  si ka duwan sida ay  ku doonayeen kuwii kaga horeeyay, QABIIL, AWOOD CIIDAN, ISBAHEYSI SIYAASADEED, DIIN, DANO SHISHEEYE, MAAMUL XAAFADEED, iyo weliba wajiya  kaloo badan oo midba maalintiisa lagu soo muraadsaday. ogoowna intaas oo isku day marna looma daneyneyn shacabka ee waxaa had walba la iska ciideynayay Cadka la isku heystay, marka  been bey aheyd wixii marar badan lagu howlgaliyay  Beel hebel  ama Koox hebel looguna dhiibay hubka si ay Reer hebel ama Koox hebel uga doontaan xaqoodda.

Hadiise , wax-xoogaa laga soo gudbay ama garaad ahaan laga koray  wixii awal la rumeysnaa ama la isku heystay,weli waxaa jira qatara kale oo u  muuqanaya kuwa ay  waqtigaan  bulsha badani u heelan tahay ama aaminsan tahay in lagu kala nabad gali karo, waa Sun nooga timid dalalka dariska ah oo mar hore lagu talaalay Gobolo dhowr ah kuwa kalena hada lagu qalqaalinyo in lagu mudo si ay Madaxweynayaal uga noqdaan kuwooda ugu xukunka jecel misana  aan kala jecleyn danta guud iyo  wadajirka Umadda.

Kuwaa i oran doona  “oo ma waxaad diidan tahay in Qabiil walba uu gobolkiisa ama deegaankiisa u sameysto  Maamul  iyo Madaxweyne ”, HAA, waa midaas midda aan diidanahay waayoo  nidaamkaa Goboleysigaa  ma aha wax aan  Anagu dooranaye waa wax naloo dooray oo aynaan aqoon  ahaanba  wax badan ka fahamsaneyn  waana mid dib danbe  noo dhaxal siin kara  dagaalo cusub oo  mar kale ka dilaaca dagalo  iminka nabdoon waana hubanti  hadii lagu sii adkeysto  in ay furmi doonaan albaabo ay ku qoran yihiin DAGAALADII GOBOLEYSIGA AMA DAGAALADII MURAN DHULEEDKA.

Hase yeeshee,Soomaalidu waa Ilama Adeer, waa Wiil iyo Abtigii, Gabar iyo Sodohdeed.waana Xidid iyo Xigaalo kalamana maarmaan, Rajada iminka  iiga muuqata shacabkana,Waan hubaa si kastoo loo kala qobqobo  in uu weli nool yahay dareenkii wada dhalashoo  dhiiranaan jiray,Waan hubaa markeey dhanaan tahay  iney dhexda isku xiran doonaan, Waan hubaa hadeey is mutaan in eysan kala dhuuman doonin, Waan hubaa marka uu dhamaado xiisaha   Madaxtinimo iyo Cadka ay isku hayaan in ay Caanaha isugu jira wada dhami doonaan insha Alaah.

FG:- TANI WAA ARAGTIDETDA.   DHAMAAD//=

W/Q:- C/qaadir M,Faarax {Dulyar}

Dulyar23@gmail.com

Miqdisho/Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid