Faallo: Hashu maankeyga gaddaye ma masaarbey liqday? (SADE vs JUBBA)

By Asad Cabdullahi Mataan

Murtidaas waxaan maqlay in laga soo weriyey nin reer Gadood ah oo geel-dhaari ahaa laguna magacaabi jiray Maxamuud Garabey, qisaduna waxay u timid sidan:-

Markii lala yaabay sida uu u garanayo cudurada geela hala-keeya, ayaa qaalin geel masaar la liqsiiyey, deedna intii loo geenay ayaa la su’aaley jirrada qaalinta haysa. Markuu si walba u baaray ee waayey  cudur uu ku malo-awaalo dhibta qaalinta haysa, asii ay u caddahay in qaalintu si aad ah u jiran-tahay, ayuu intuu madaxa ruxay ku qowlay  (hashu maankeyga gaddaye ma masaar bey liqday). Lama hubo in murtidaasu run tahay, laakiin waxaa la hubaa in loo adeegsan karo wixii micnahooda la bixin waayo.

Haddaba waxaan shaqsi ahaan garan waayey sababta hoggaanka u haysa khilaafka u dhaxeeya Maamulka ku meel gaarka ah ee Jubbooyinka iyo shacabka ku nool Gobalka Gedo intiisa badan ama haddii si kale loo dhaho Beesha Sade inteeda badan.

Is-diidka ka imaan kara maamul wadaagga waxaa ugu cuddoon saddex sababood oo kala ah:-

  1. In qolo diidayso midowga iyo is-xulufaysiga,
  2. In la isku haysto Madaxnimada,
  3. Iyo in laysku maan-dhaafsan yahay saamiga xubnaha dawliga ah.

Sida aad hoos ku arki doontaan saddexdaas qodob midkoodna muran xooganu kama jiro. Wixii saddexdaas qodob ka baxsanu waa ka baxayaan qaanadda siyaasadda waxayna galayaan qaanadda dhaqanka, taasuna waa mid xallinteedu dadka Soomaalieed aad ugu  sahlan tahay.

Waxaan aad isugu dhabar-jabshay inaan doolibeenka ku fiirsho quluubta hoose ee dadka ku dagaalsan sababaha aan miisaanka weyn lahayn, si aan u arko sheydaanka xariifka ah ee ku guuleystey in uu madaxa isu gasho dad dan-wadaag ah ee aan sina u kala maarmin..

Sidaad garan kartaan iima sahlanayn inaan dhinacyadaas Madaxdooda la gulmo si aan wax uga weydiiyo muranka dhex yaal, maxaa yeelay ma haysto mudnaan (status) iyo saabaan (means) ii saamaxa arrintaas midna. Laakiin waxaan si haqab la’aan ah u heli karay aragtiyada kala duwan ee ay qabaan taageerayaashoodu.

Waxaa inoo wada cad, in haddayba meesha ka maqan yihiin saddexda qodob ee kor ku qeexanu ayna meesha ka muuqan sabab ku filan in ay xalaalayso halaagga ka dhalan kara kala-tagga iyo kala irdhowga u dhexeeya dadkaas si walba isugu xiran oo ayna jirin wax ay ku kala maarmaan.

Haddaba waxaan goostay in aan Ummadda Soomaaliyeed, Dawladda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba oo u muuqata inay arrimaha Soomaaliya seeriga  u hayso, u soo bandhigo meesha Salaaddu iska qaban la’dahay. Waxaanna qola kasta weydiiyey waxa ay tabanayaan?

MAAMULKA KU MEEL GAARKA EE JUUBBA WAXAY U DOODEEN SIDAAN.

  • Waxaan aad u jecelnahay in aannu aragno dadyowga ku dhaqan gobolada 2da Juubbo iyo Gobolka Gedo oo ku naaloonaya, Maamul Goboleed ay ku wada midaysan yihiin kuna wada qanacsan yihiin. Arrintaasu maaha mid annu jeclaan lahayn kaliya ee waa mid aannu ka shaqeyneynno.
  • Waxaan Beesha Sade u ogolnahay wax kasta ee suuro-gal ah.
  • Waxay xubnaha dawlad-goboleedka ku leeyihiin qayb libaax waana istaahilaan.
  • Waxaa Mudanayaasha looga qoondeeyey qaybta kore oo kale.
  • Waxaa looga garaabay wax kasta oo qalad ah ee ay tirsanayaan
  • Waxaa loo ballan qaaday in la siiyo mag iyo xaal iyaga oo aan gar-cadaawe lala naqsan.
  • Waxaa loo ogolaaday in ciidamadii Goobweyn la soo xareeyo iyagoo hubkoodii wata.
  • Waxaan ugu dari la’hayn haddaan naqaan wax kasta ee ay ku calool fayoobaan la haayeen.
  • Waxaan la yaabbannahay sababta ay u bahdilayaan dadka horyaalada ah oo iyaga ka dhashay ee maamulkaan ka tirsan, iyaga oo taas baddelkeedana buun-buuninaaya kuwo iyaga oo kale ah ee diiddan isla maamulka.
  • Waxaan baadi-goob ugu jirnaa, bal inaan hello meesha baas ee uu ka yimid shakiga daran ee walaalahaya wareerinaya

F.G. Waxaad moodda inay ku maah maahayeen qisadaan hoos ku qoran:-

Nin reerkiisii socdaal uga maqan ayaa mid kale u soo daba maray oo xaaskiisii la saayiray. Milkiilihii ayaa waqti qalad ah, meel qalad ah yimid. Dambiilihina waa soo ceel-yeeshay tiiyoo ceelkiina mas dhex-jiifo. Gabadhii oo dhiilaysnayd ayaa shanqartii daambilaha durba sheedda ka maqashay. Intay hal-haleel u baxday ayey kula faqday eray-yadaan:-

XAAJIGII AYAA GOOR QALADAN, SI QALAD AH U YIMID. EE DHIISHAAS CAANAHA KU JIRA NAFTA KU CESHO, HABEYN DAMBANA XAAJIGU WAA BAXAYAAYE, II KAALAY.

YAABSE WUXUU DHACAY, MARKII HORORKII DIIDAY TALADAA OO UU KU-ADKEYSTAY INUUSAN CAAWA HILBO LA’AAN NOQONAYN. XAAJIGII AYAA MURANKII MAQLAY.WUXUUNA YIDHI:

  • Ninyahaw col laaga dig, oo waxaa laguu sheegay, in ninkii reerka lahaa joogo.
  • Cayshad xalaalana lagu sii, oo dhiil caano ka buuxaan ayaa laguu hibeeyey.
  • Caaqiba dambana laguu sheeg, oo habeyn dambe soo noqo ayaa lagu yidhi.

Ma waxbaadan garan mise malagaa ayaa galay? 

BEESHA SADE WAXAY U DOODEEN SIDAAN:-

Meshii qoladii hore dooddoodii ugu dambaysiiyeen maah-maahda, kuwaanu waxay dooddoodii ugu hormariyeen maah-maah.

Waxay soo qaateen beydad ka mid ah heestii falsafadda ku dhisnayd ee uu tiriyey Abwaanka weyn ee Maxamuud Singub lixdameeyadii. Waxay u dhigeen sidaan hoos ku qoran:-

  • Nin ku-siray wax kuu sheeg,
  • Nin sarbeebay kaa qari,
  • Nin ku siiyey kuu faan.

Annaga waa nala siray, waana nala sagsaagay, waana nala sogor-dahay.

Intaan dulaanka juubbooyinka la soo qaadin, waxaa shir lagu qabtay magaalada Nairobi, waxaa laysla meel-dhigay qodobbada hoos ku qoran:-

  1. In magaalada Kismaayo laga weeraro saddex jiho ee kala ah sidaan:-
  2. a) Ciidamo dalka Kiinya lagu taba-baray oo lagu sheegay in ay yihiin Xoogga Dalka Somaaliyeed iyo Cidamo Kiinyaati ah waxaa loo qorsheeyey inay Kismaayo toos u weeraraan iyaga oo maraya Birta dheer.
  3. b) Ciidamada Raskimbooni oo Kiinyaati xoojinayana waxaa loo qorsheeyey in ay dhinaca Badda ka weeraraan.
  4. C) Ciidamada Ehel-sunno iyo Kiinyaati taageerayana waxaa loo qorsheeyey inay Dhanka Bu’aale ka soo faltamaan.
  5. Qorshahaasu wuxuu ahaa mid dhallaan seexis ah oo nalagu sogordahaayey ee kii runta ahaa diib ayaad ka arki doontaan. Xaalkaanu wuxuu ku qotamaa, nin sarbeebay kaa qari.
  6. Markii xuddudka Soomaaliya la gaaray ayaa shaxdi runta ahayd ee dhawr sano la tifaaftirayey lala soo baxay.
  7. Ciidamadii dawladda Soomaliya lagu hafrayey waxaa loo qaybshe laba nooc.
  8. Noocii la jeclaa waxaa lagu xoojiye jabhaddii Ras kiyambooni oo iyada gacanta loo galiyey furaha Albaabka Kismaayo laga galayo.
  9. Qaybtii ugu badnayd asii loogu nebcaana waxaa lagu madal-hufiyey gobolka Gedo iyadoo Askar kiinyaati ah oo ka ilaalisa in ayna Kismaayo cag soo saaraan lagu jaaday.
  10. Waxaa kaloo Kismaayo ka soo ifbaxday cudud ciidan oo aan lagu talo galin oo Soomaali weyn ka kooban, taasna waxaa loo adeegsaday quwadda KDF oo ka kooban Dhul, Cir iyo Badba, waxaana qasaare badan ka dib la dhigay dibadda.
  11. Wali qorshihii la rabay wuxuu u muuqday mid aan guuleysan Karin maxaa yeelay awoodda shacabka ayaa miisaan weyn lahayd, taasna waxaa loo helay xal, ka dib markii jabhaddii hubaysnayd ee qabiilka kaliya ahayd ay dadkii dagaanka ku qabteen gacan bir ah oo aan baqayn, xishoonayn, naxariisayn. Ma dooneyno in aan wixii halkaas ka dhacay buun-buunino, laakiin boogtu dhaqso uma biskooto.
  12. Waxaa intaas oo dhan nooga sii-daran Axmed Madoobe oo intii aqaladayadii noo daba-maray ‘xashimahayagii’ baarasho ugu dhaqaaqay si uu ugala soo baxo dad magac-u-yaal ah oo aan la xisaabtami Karin sababta oo ah (sidii ay ku yimaadeen ayey ku joogaan). Waa dadka beeshoodii oo shirsan soo dhex fariisan waayey.
  13. Is ku soo aruuriyo waxaan ka cabanaynno waxaa ugu weyn labadaan arrimood:-
  14. a) Ciidanka jabhadeysan ee cududda weyn ee qabiiliga ah, ee aan is xukumi Karin lana xukumi karin waqtigoodii lama joogee, dawladda weyn ku wareejiya ama haddii kale anaga iyo Soomaalida kalaba u ogolaada in ay keensadaan quwad u dhiganta tiinna. Markaas ka bacdi ama isku-dara oo ciidan qura ka dhiga, ama hays baar-dhawrteen iyagoo is miisamaya.
  15. b) Qabiilatu waxay leeyihiin xeer hoosaad ay wax ku qaybsadaan ee u daaya inay iyagu wax qaybsadaan oo xisaabtamaan oo isku cabeebaan, oo caano-qaybsadaan. Haddii taasu dhacdo dadkey soo dirsadaan waa dad matala. Haddiise nin xiniinyihiisa meesha ku yimid uu soo xulo mid kale oo xiniyihiisa ku kasbaday in la soo xulo xaalku wuxuu ku sugnaan doonaa :- xaggee salaaddu is-ka qaban-la’dahay.
  16. Ciddii qormadaa dhexdeeda nagu eedeysay oo noogu maah-maahday ninkii caanaha diiday, haddey qabiil yihiin iyo dadday maamul yihiinba dhibkaas aan sheegannay, ama ha naga qanciyeen oo ha nooga garaabeen ama ha naga daayeen.

GABAGABO IYO TALO BIXIN

  • Shirka beesha Sade ee Garbahaarrey ka socda, iyo goob kasta oo ay qabiilaadka ku abtirsada maamulka Jubaland ku tashanayaan, yayna ku fududaan in ay baddalaan madaxda maamulka ugu jirta waqtigaan la joogo. Arrintaas qasaaradeeda ayaa ka badan faa’iidadeeda.
  • Ciidamada qaabka qabiiliga ah u duman (abaabulan) ee isu-dhabi-dhisanaya (chalange) sida kuwa R/Gamb., Ehelu-Sunno, Goobweyn iyo kuwa kale oo jiri kara, halugu wareejiyo DFS. Taasoo dadyowga Gobolka deggen kala shakintooda yaraynaysa degaannadana nabad buuxda ku soo celineysa. Cadawga kore waxaa celinaya XDS iyo ciidama Africa, tuugtana Boliis magaala kasta qorato. Xarunta kismaayo oo madaxdii Dawlad-goboleetku joogto, ha loo reebo 100 askari oo fooyad cas ah oo ay ku kalsoonyihiin. Arrintasu waxay kaloo forsad shaqo siinaysaa dhallin yarada tirada badan ee hadda jabhadeyneysa, waxay la jaan qaadayaan ciidamada qalabka sida ee hadda addunku u qalab qaatay inay dhisaan.
  • Wixii hadda ka dambeeya, madaxda maamulku ha ka fogaato in ay xubnaha dawliga ah u soo magacawdo qabiilaadka. Arrintaasu maaha mid Reeraha u cuntamaysa sababa badan oo jira awgood
  • …………………..Waa socotaa.

NIN WAX QORAY, ISAGAA IS QORAY.

Khalifashkir35@hotmail.com

Khalif Ashkir

Madaxa Rugta Maskaxda

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid