Cagjar oo si lama filaan uga hadlay rabshadaha ka dhashay dilkii Xildhibaan Juweeriya

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cagjar ayaa markii u horeysay si faah-faahsan uga hadlay sida ay ugu muuqdaan rabshadihii xigay dilkii xildhibaan Juweeriya Subcis loogu geystay garoonka diyaaradaha Jigjiga.

Madaxweyne Cagjar oo qoraal dheer kasoo saaray arrintaan, ayaa waxa uu dibad-baxyada ay dadku dareenkooda ku cabirayeen ku tilmaamay wax lagu diirsado.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dibadbaxyadan ka turjumayaan soo noolaanshaha damiirka shacabka deegaanka, isaga oo dhinaca kalena dadka isku soo baxay ku dhaliilay qaabka ay u wajaheen arrinta iyo sida ay uga falceliyeen.

“Waxaa mar walba haboon in aan is xusuusino in rabitaan shacab oo aan jiheeysnayn ama dareen ayna tab iyo xeelad la socon uuna meelna ina gaadhsiinayn. Waxaa caqabadaha soo jireenka ah iyo kuwa taaganba lagaga bixi karaa fahan fiican, muwaafaqo iyo Samir,” ayuu yiri.

Hoos ka aqriso qoraalka madaxweyne Cagjar oo dhameystiran.

Waa wax lagu diirsado soo noolaanshaha damiirka shacabka deegaankeena oo maanta maraya in uu ka dhiidhiyo dhacda walba oo uu u arko inay tahay gardaro.

Waa himilooyinkii halganadii dheeraa ee lagu jiray in dadku ka baxaan dulmi iyo duleeysi. Mana dhibsanayno wixii dareen iyo dardaaran ah ee ama cadaalad loogu raadinayo cid dulman ama lagaga falcelinayo xadgudub lagula kaco muwaadin shacabkeena kamid ah.

Sidaa oo ay tahay waxaa mar walba haboon in aan is xusuusino in rabitaan shacab oo aan jiheeysnayn ama dareen ayna tab iyo xeelad la socon uuna meelna ina gaadhsiinayn. Waxaa caqabadaha soo jireenka ah iyo kuwa taaganba lagaga bixi karaa fahan fiican, muwaafaqo iyo Samir.

Dhacdadii shalay ee dilka Xildhibaan Juweriya sida looga falceliyay waxay makhraati ka tahay isabadalka ka dhacay deegaanka iyo soo noolaansha damiirka muwaadiniinta. Shacabku sida uu uga xun yahay gardarada cod dheer iyo mid hooseba wuu ku gudbiyay dareenkiisa.

Eheladii iyo qaraabadii dhibku gaadhay waa loo tacsiyeeyay; gacan-ku-dhiiglihii gacanta sharciga ayuu ku jiraa; intii dhaawacantay waa lala dadaalay. Wixii dhiman ee ah in caddaalad ay hesho marxuumaduna sidii la balan qaaday heellan ayaa loo yahay.

Intaa marka laga tago doodo gacma daalis ah ama lugooyo ah in dadka lagu wareeriyo maaha.

(1) Hay’adaha Federalka hanaga baxaan waxaa ka haboon hay’adaha Federalka aan galno oo wax ku yeelano.

Hay’adaha amaanka ee dalka aan jaar ka nahay ee Kenya maanta cidda ugu sareeysa ee xukunta waynu wada ognahay: Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Booliskaba.

(2) Dambiga uu galo shaqsi dambiile ihi maati aan waxba galabsan aano aan ugu layno waxaa ka haboon dambiilaha sharciga hala mariyo.

(3) Meherado aan jajabino iyo caasimadeena aan gubno waxaa ka haboon nidaamka iyo kala dambaynta inagoo ilaalinayna aan xaqeena iyo xuquuqdeena raadsano. Dhagax la tuuro iyo dukaano la gubo kuma xoroobayno.