Maxaad ka ogtahay awoodda 3-aad ee DF sida weyn ugu adeegsaneyso Al-Shabaab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kacdoonka shacab ee ka dhanka Al-Shabaab iyo go’aanka adag ee madaxweynaha Soomaaliya ee dagaalka socda, ayaa marka laga imaado waxa jira dhinac kale oo si weyn u jabiyay awooddii dagaal ee Al-Shabaab.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ayaa ah awooda saddexaad ee dowladda federaalka Soomaaliya u adeegsaneyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladiisa ay beesha caalamka ka dalbatay inay si dhab ah ugala qeyb qaatan dagaaalka socda.

Kadib dalabkaas waxay diyaaradaha Drones-ka ee dalalka Mareykanka iyo Turkiga ay bilaabeen duqeymo iyo sahmin joogto ah, kuwaasi oo dhaawac weyn u geystay awoodii ciidan ee Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay dowladda sameysay goob laga maamulo duqeymaha ay fulinayaan diyaaradaha Drones-ka, ayada oo xili kasta oo dowladda ay dalbato duqeyn dhinaca cirka ah si deg deg ah uga jawaabaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Diyaaradahaan ayaa u sahlay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka inay helaan xogaha Al-Shabaab, gaar ahaan gawaarida qaraxyada wada iyo abaabulka xoogaga Al-Shabaab, ayaga oo gebi ahaanba hakiyay dagaaladii gaadmada ahaa ee kooxda ku weerari jireen fariisimaha ciidamada dowladda.

Tan iyo markii ay si toos ah u billowdeen duqeymaha diyaaradaha aan duliyaha laheyn ayaa sidoo kale waxaa ku adkaatay Al-Shabaab inay is aruursadaan oo ay fuliyaan dagaaladii cusla ee ay ku qaadi jireen fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika.

Si kastaba, Dadka ku xeel dheer arrimahaan ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay ku adag tahay inay sii wadaan dagaalka haddii ay sii socdaan duqeymaha ay fulinayaan diyaaradahaan, kuwaasi oo toddobaadyadii u dambeeyay lagu dilay dagaal-yahano badan oo ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana lagu gubay gawaari ay ku diyaariyeen qaraxyo.