Askarigii loo haystay dilka xildhibaan Juweyriya Subcis oo ka hadlay ‘sababta dilka’

Jigjiga (Caasimada Online) – Warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn uga hadlayay dilkii garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga maalintii Talaadada loogu geystay Juweyriya Subcis oo ka tirsaneyd Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Sheekadan ayaa weji kale yeelatay markii uu askariga lagu eedeynayay dilka Juweyriya isaga qudhiisa qirtay inuu si “ula kac ah” u toogtay marxuumadda, sida BBC u sheegay ku xigeenka hogaanka nabadgalyada deegaanka Soomaalida, Maxamed Axmed Gureey.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdadaas oo sababtay mudaharaad ay sameeyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo dalbanayay in ay caddaalad helaan qoyska Juweyriya oo ahayd hooyo 26 jir ahayd oo ka tagtay labo carruur ah.

Waaxda dembi baaristu waxay sheegaysaa in ninkan isagu dilka geystay uu qirtay in uu falkaas u geystay si ulakac ah. Maxamed Guurey waxa uu BBC iyo warbaahin kale ba u sheegay in ninkan dembi ka hor qirtay maxkamada 26-kii bishan oo ahayd maalintii ku xigtay maalinta uu dhacay dilka.

Si kastaba, ma jirto ilo wareed kale oo madaxbaan oo arrinkan xaqiijisay, iyadoo aysan warbaahinta goobjoog u ahayn dhegeysiga dacwada.

Ku xigeenka hogaanka nabadgalyada deegaanka Soomaalida, Maxamed Axmed Gureey oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in uu askarigan qirtay in uu dilka isaga geystay.

“Ninkaas booliiska ayaa gacanta ku haya wuuna xiran yahay wuuna qirtay dilka inuu geystay,” ayuu yiri Gureey.

Waxa uu sarkaalkan sheegay in maalintii uu dilka dhacay maalintii ku xigtayba eedeysanaha la hor geeyay Maxkamadda gobolka Faafan, maadaama aan la heyn karin wax ka badan 48 saacadood, markii garsoorka la hor geeyayna uu maxkamadda ka qirtay inuu geystay dilka.

Maxkamadda ayaa oggolaatay in boolisku ay sii hayaan si loo wado baaritaannada, sida uu sheegay Gureey. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kiiska eedeysanaha si rasmi ah loo furi doono maalinta Isniinta ah.

“Muran”

Askarigan ayaa sheegay in ka hor inta uusan dilka gaysan uu muran dhex maray isaga iyo gabadha sidaasina uu u toogtay.

“Waan careysnaa oo hadallo ayaan isdhaafsannay yuu isagu ku andacoonayaa, waan murannay, gabdhuhu wax bay igu yiraahdeen aanan raalli ka ahayn markaa goor aan xabad ku furay-ba ma aanan garanayn, saas ayuu hadda ku doodayaa,” ayuu yiri Gureey.

Nooma suurtogelin in aan helno qareenada u doodaya eedeysanaha ka tirsan ciidamada booliska Itoobiya ee ka howlgalla garoonka diyaaradaha Garaad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga.

Ku xigeenka madaxa nabadgalyada deegaanka Soomaalida Maxamed Axmed Gureey ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan askar kale oo la xiran askariga ku eedeysan dilka xildhibaan Juweyriya, iyadoo ay boolisku weli wadaan baaritaan dheeraad ah oo ku ogaanayaan sida ay wax u dhaceen. Dadka la xiran eedeysanaha waxaa ka mid ah askar kale oo shaqada kula qorneyd maalintaas, sida uu sheegay Maxamed Gureey.

“Ma jirin cid ku wehelisay falka”

Maxamed Gureey ayaa dhanka kale sheegay in askarigan uu sheegay in dilka uu kaligii ku ahaa oo aysan cid ku wehelisay aysan jirin.

“Wuxuu sheegay in kaligii uu ahaa oo aysan jirin cid kale oo ku wehelisa, xabadahana cidda riday uu isaga yahay, qofka wax toogatayna uu isaga yahay intaas-na wuu qirtay,” ayuu Gureey sii raaciyay hadalkiisa.

Waxaa uu intaa ku daray in weli ay wadaan baaritaannada ay ku hubinayaan arrinkan.

Dilka xildhibaan Juweyriya Subics ayaa waxaa ka dhalatay caro iyo dibadbaxyo kooban oo ka dhacay magaalada Jigjiga.

Mareykanka oo ka hadlay geerida Juweyriya

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa Khamiistii tacsi u dirtay qoyska iyo ehelada xildhibaannaddii la dilay, waxayna sheegtay in ay ka mid ahayd dadkii wax ka bartay barnaamij ay Mareykanku fuliyeen oo loogu talogalay hoggaamiyeyaasha da’da yar ee Afrika.

Bayaan lasoo dhigay bogga saraafadda ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in Juweyriya ay ahayd samafale si weyn u daneyn jirtay in gabdhaha yar yar iyo haweenkuba ay helaan xuquuqdooda.

Marka laga soo tago xubinnimada baarlamaanka ee dowlad deegaanka iyo xisbiga talada haya, Juweyriya waxa ay sidoo kale ahayd Agaasimaha Ogaden Welfare Society, oo ah hay’ad aan dowli ahayn oo caawisa dadka kaalmada u baahan, sida uu tebiyay wargeyska kasoo baxa Itoobiya ee Addis Standard.

Isha: BBC SOMALI