PUTIN oo shaaca ka qaaday inuu Nukliyeer u adeegsan doono Ukraine iyo in kale

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Khamiistii beeniyey inuu wax damac ah ka leeyahay inuu hub Nukliyeer u isticmaalo dalka Ukraine.

Putin ayaa dagaalka dalkaas ku qeexay inuu qeyb ka yahay dadaallo ay Reer Galbeedka ku xaqiijinayaan awood ku muquunintooda caalamka, oo uu ku sheegay mid guuldarreysan doonta.

Isaga oo ka hadlayey shirka khubarada caalamka ee siyaasadda arrimaha dibedda, Putin ayaa sheegay inaysan wax macno ah sameyneyn in Ruushka ay Nukliyeer ku weeraraan Ukraine.

“Ma aragno baahi taas loo qabo. Ma jiro wax macno ah oo ay sameyneyso siyaasad ahaan, iyo militari ahaan,” ayuu yiri Putin.

Putin ayaa sheegay in diginin uu horey u jeediyey oo aheyd inuu diyaar u yahay inuu adeegsado “wax kasta oo la heli karo si loo difaaco Ruushka,” aysan ka dhigneyn isticmaal Nukliyeer, balse ay jawaab u aheyd hadallada Reer Galbeedka ee ah suurta-galnimada inay adeegsadaan hub Nukliyeer.

Wuxuu si gaar ah u xusay Liz Truss oo bishii August sheegtay inay diyaar u tahay adeegsiga hub Nukliyeer, haddii ay noqoto ra’iisul wasaare, hadalladaas oo Putin uu sheegay inay walaaciyeen Kremlin-ka.

Truss ayaa ra’iisul wasaaraha Britain noqotay horraantii September balse xilkaas iska casishay 44 maalmood kadib.

“Maxay aheyd inaan ka fakarno?” ayuu yiri Putin. “Waxaan taas u aragnay mowqif mideysan, isku day na lagu baqe-maalayo.”

Putin ayaa Mareykanka iyo xulufadiisa ku eedeeyey inay isku dayayaan inay dalalka kale u meeriyaan xeerarkooda, taasi oo uu ku sheegay cayaar xukun “oo halis, dhiig iyo wasaq ah.”

Putin oo ciidamadiisa u diray Ukraine 24-kii Febraayo, ayaa taageerada Reer Galbeedka ee Kyiv ku qeexay inay qeyb ka tahay dadaallo ballaaran oo Washington iyo xulufadeeda ay rabitaankooda ugu qasbayaan kuwa kale.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa sheegay in siyaasadaha Reer Galbeedka ay kordhin doonaan qaska, isaga oo intaas ku daray “qof walba wuxuu guran doonaa miraha waxa uu beerto.”

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin ayaa Khamiistii weriyayaasha u sheegay in Mareykanka uusan weli arkin wax muujinaya in Putin uu go’aansaday inuu nukliyeer adeegsado.

AP, VOA