Al-Shabaab oo ay dhaqaale la’aan soo wajahday iyo tallaabo cusub oo ay qaadeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab waxaa laga soo warinayaa dhaqaale xumo baahsan xilli ay dowladda dhaqaajisay dagaalka dhaqaalaha ee kooxda AL-Shabaab.

Khasaaraha kasoo gaarayo dagaalada ayaa kordhay, dhaawacyo badan ayey kooxdu kala noqotay dhowr dagaal oo ay gashay.

Ilo-sirdoon ayaa xaqiijiyey in daawadu gabaabsi ka tahay Al-Shabaab, waxaana adag inay alaab soo dhoofsadaan. Daawooyin ayaa la sheegay inay ka raadinayaan gudaha, rasaasta iyo waxyaabo badan oo gabaabsi ka ah kooxda ayaa dhaliyey inay aad dhaqaale u baadi goobaan.

Goor sii horeysay waxay ganacsatada waydiisteen inay lacago u hormariyaan taas oo ay qaar ajiibeen, qaarna ay ka dhuunteen. Marka kale xogo aan helnay ayaa sheegaya inay kooxdu bilowday dhaqaale raadis xoog leh.

Ganacsatada qaar ee xiriirka fog la leh kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay kooxda waydiisatay inay lacago deyn ah siiyaan maadaama ay dagaal ku jiraan.

Ilo sirdoon oo ka tirsan dowladda Soomaaliyaa waxay sheegeen inay xogtaan heleen oo ay ku daba jiraan ganacstadaan ay sidaan kooxda ugu kalsoon tahay.

Haddaba maxay ka dhigan tahay in Al-Shabaab deyn la siiyo?

1- Waa Dambiile deyn sii

In Al-Shabaab lala macaamilo waa dambi dhanka dowladda Soomaaliya iyo caalamka intaba. Qofka Al-Shabaab lacag deyn ah siiyo si ay dagaalka usii wadaan, wuxuu maal-gelinayaan in naf la jaro waana dambi culus oo dowladda Soomaaliya ku qasbaaya inay tallaabo adag ka qaado ganacsatada ay ku cadaato arrintaas.

2- Waa nin la duqeynayo deyn sii

Al-Shabaab waxaa ku socda dagaal culus saacad walba kooxda xageeda waxaa ku wajahan ciidanka dowladda, ciidan beeleed iyo duqeyn caalami ah.

Saddex cisho ka hor madax iyo ciidan badan oo Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday agagaarka deegaanka Masaajidka Cali Gaduud. Sidoo kale shalay duqeyn ka dhacday deegaanka Xawaadley ayaa lagu dilay 17 xubnood oo Al-Shabaab ah.

Maadaama aysan Al-Shabaab dowlad aheyn qofkii deynta kaa qaaday haddii uu duqeyntaasi ku baxo yaad u raacan doontaa deyntaada? Waa su’aal qasab ku ah inay is waydiiyaan kuwa laga yaabo inay u dhag raariciyaan codsiga kooxda.

3- Masii jiri doonaan Al-Shabaab?

Inta aadan deynta bixin is waydii kooxda masii jiri doontaa? Al-Shabaab waxay ku jiraan dagaalkii ugu adkaa ebid oo ay la kulmaan, waxay soo gaareen marxalad uu qof walba ka cararo magacooda ama inuu maalin la macaamilay.

Gabood-falada kooxda ayaa kiciyey qabiilada, waxaana xafiiska dalka looga taliyo kusoo noqday Xasan Sheekh Maxamuud oo dagaal toos ah la galay Al-Shabaab muddo xileedkiisii hore haddana sidii ka ciil iyo faham badan.

Koox aadan hubin inay sii jiri karaan sidee ugu aamini kartaa xoolahaaga?

4- Bixinta deyntii lagu dumin lahaa dalka

Inaad Al-Shabaab deyn siiso ama aad dhaqaale ku kabto waxay ka dhigan tahay inay u bareertay inaad dumiso Soomaaliya. Dadka dhaqaalaha heysto mas’uuliyad ayaa ka saaran dalka iyo dadkaba.

Iyadoo la aaminsan yahay in dhaqaalihii Soomaaliya uu gacanta u galay dad aan laheyn mas’uuliyad ay ku maareeyaan oo ay dalka iyo dadka ugu turaan haddana in xilligaan Shabaab dhaqaale la amaahiyo waxay ganacsatada qaar luqunta u gelin doontaa kacdoon bulsho.

5- Deyntaada in lagugu dilo waa macquul

Al-Shabaab waxay dileen dad badan oo lacag siin jiray bil walba, qaar waxay ku dishay waa ku qaldanay qaarna qaraxyo ay fuliyeen ayey sababsadeen.

Lacagta ay kooxdan raadineyso xilligaan waxaa lagu iibinayaa hub, waxaa lagu sameenayaa qaraxyo, waxaana lagu fulinayaa dilal.

Inta aadan ka fakarin dul saarka laga yaabo inaad ka heleysid deyn aad siiso Al-Shabaab horta bal is waydii inaad ka badbaadi doonto qaraxyada lagu fulin doono lacagtaada?

Marxaladda dagaal ee maanta lagu jiro waxay u baahan tahay iskaashi bulsho, ganacsatadana waxaa hor taalo inay si qoto dheer uga fakaraan tallaabooyinka ay qaadayaan marxaladaan si aysan halis ugu horseedin ganacsigooda iyo naftooda.