CALI DHEERE oo si yaab leh uga jawaabay sababta ay u beegsadaan SHACABKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), oo wareysi dheer siiyey warbaahinta kooxdaas, ayaa ka jawaabay su’aal ku saabsaneyd sababta ay dadka shacabka ah u dilaan oo ay qaraxyada ula beegsadaan. 

Cali Dheere ayaa sheegay in kooxdooda aysan si toos ah beegsan shacabka muslimiinta ah, wuxuuna qiil yaab leh u sameeyey shacabka ay dilaan. 

“Annaga ahlu towxiidka iyo dadka muslimiinta ah dhiiggoodu waa inaga xaaraan, Ilaahey baana xarrimay subxaanahu watacaalaa, Ilaahey wuxuu xarrimayna uma gudbeyno annagoo og, tusaale waxaa kuugu filan haddaan annaga dhiig muslim iska daadineyno wilaayaatka maxaan dadka ugu leyn weynay? suuqyada Bakaaraha iyo Suuq bacaad maxaan dadka faraha badan ee dhooban ugu leyn weynay?” ayuu yiri Cali Dheere.

Hase yeeshee Cali Dheere, oo u muuqda inuu ka hadlayo dadka aan ku sugneyn Bakaaraha iyo Suuq Bacaad ee ay ku dilaan meelaha kale ee Muqdisho, ayaa ugu yeeray kuwa aysan u aqoonsaneyn muslimiin, oo sida uu hadalka u dhigay, u adeegga dowladda federaalka. 

“Haddii loola jeedo islaamnimada ninka murtadka ah ee cadawgaas soo horjooga ee cadawgaa indhaha u ah ee gacan yaraha u ah ee Muslimiinta cawraadkooda tusaya haddii muslimiin loola jeedo innaga kuwaa muslim uma naqaano,” ayuu yiri.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarkii ugu dambeeyey ee shacab ay la beegsato wuxuu ahaa kii Zoobe ka dhacay 29-kii October, waxaana ku dhintay dad ka badan 120 qof oo aan shaqo ku laheyn dowladda federaalka, una badnaa haween xoogsato ah iyo caruur. 

Hadalka Cali Dheere ayaa laga fahmi karaa inay bartilmaameed u yihiin dhammaan shacabka ku nool ama taga goobaha ay ku xooggan tahay dowladda federaalka. 

Horey ayaa Mahad Karataay oo ka mid ah madaxda kooxdaas wuxuu u sheegay in dadka ku dhinta weerarada ay la beegsanayaan dowladda ay yihiin; kuwa ku dhintay shil, oo aan loo haysan kooxdaas.