Cali Dheere oo war kasoo saaray kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka guud ee kooxda Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa maanta markii ugu horeysay si qota dheer uga hadlay kacdoonka shacabka Soomaaliyeed ee ka curtay gobollada dalka iyo dagaalka uu iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh.

Cali Dheere ayaa khudbadaan ka jeediyey kulan ay Al-Shabaab ugu magac-dareen Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, isagoo sheegay inay jiraan qabiilo garab u noqday waxa uu ugu yeeray “gaalada”.

Sidoo kale Cali Dheere ayaa xaaladda kacdoonka ah ee maanta ay wajahayaan wuxuu ku macneeyey inay lamid tahay tii uu wajahay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waayihiisii halganka.

Al-Shabaab waxay sidoo kale qireen in dowladda Soomaaliya ay qabaa’ilka ku hubeysay, wuxuuna afhayeenka u hadlay kooxdaas qabaa’ilka la dagaalamaya ku tilmaamay ‘kuwii isbaarooyinka dhiga jiray’ sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Qabaa’ilkaas waxaan leeyahay waxaa la doonayaa in dano gaar ah la idinku gaaro, kadibna meel cidlo ah la idinkaga tago, idinkoo halaagsamay,” ayuu yiri Cali Dheere.

Sidoo kale Afhayeenka Al-Shabaab ayaa u hanjabay qabaa’ilka kacdoonka wada, isagoo sheegay in reerkii ama jifo kasta oo ka hor timaada Al-Shabaab oo la dagaalanta ay beylah u tahay gacanta iyo seefta kooxda.

“Xasan Sheekh iyo kuwa la socda waxaan leeyahay, dhaarta aad dhaarateen ayaa inoo dhaara, laba dhaar ma jireyso, waxaana rajeynayaa in wakhti aan ku kala bixi doono dagaalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray afhayeenka Al-Shabaab.

Hadalka Cali Dheere ayaa ku soo aadaya xilli awooda Al-Shabaab laga soo wiiqay goobo badan oo ka mid ah gobollada Hiiraan, Galgaduud, Mudug iyo Bay, sidoo kale meydadka dagaalyahanada Al-Shabaab oo aad loo laayey ayaa lagu soo bandhigay gobolladaas.

Kacdoonkii ugu cuslaa ayey wajaheysaa kooxda Al-Shabaab, kadib 15 sano oo Soomaaliya ay dagaalo dad badan galaaftay ka wadeen, dowladda Soomaaliya ayaa dhiira-gelin xoog leh la garab taagan beelaha Soomaaliyeed ee isku dhaarsaday inay iska xoreeyaan Al-Shabaab.