Al-Shabaab oo lagu billaabay in la gowraco kadib marar badan oo ay dad gowraceen

Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaal-yahanada Macawiisleyda ayaa dilay ugu yaraan 45 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, ayaga oo gowracay qaar ka mid ah, waxaa sidaas xaqiijiyey goobjoogeyaal, xilli shacabka gobollada dhexe ay xoojiyeen dagaalka ka dhanka ah kooxdan. 

Gowracan ayaa dhacay Sabtidii kadib dagaal xooggan oo ka dhacay gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu ka socdo kacdoonka ugu xooggan ee ka dhanka ah Al-Shabaab. 

“Al-Shabaab ma xoog badna, dadka ayey gubaan, gowracaan oo meydadkooda dhigaan jidadka si ay u argagax geliyaan shacabka,” waxaa sidaas yiri Axmed Cabdulle oo ka mid ah odayaasha Hiiraan.

“Hadda waxaan ku sameynay sidaas si la mid ah: Waxaan amarnay in la gowraco dagaal-yahanada Al-Shabaab,” ayuu yiri Axmed oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

Muuqaallo lagu baahiyey barta Telegram ayaa muujiyey ugu yaraan laba ka mid ah dagaal-yahanada Al-Shabaab oo la gowracay iyo meydadka tobanaan kale oo dagaalka lagu dilay. 

Goobjoogeyaal dhowr ah oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin ayaa xaqiijiyey dhab ahaanshaha muuqaalladaas.

“Al-Shabaab waa na caddibeen…sidaas darteed, dadkeena waxay go’aasadeen inay is xorreeyaan. Gabadheyda ayaa sidoo kale ka dagaalameysa furunta hore, waxay haysataa AK-47,” waxaa sidaas tiri Xaliima Ismaaciil oo ka mid ah dadka deegaanka.

Dagaal-yahanada Macawiisleyda ayaa 10 deegaan ka qabsaday Al-Shabaab toddobaadyadii dhowaa, sida uu sheegay Xasan Faarax oo ka mid ah odayaasha gobolka Hiiraan. 

Sidoo kale, shacabka Galmudug ayaa hubka qaatay oo dagaalka dhankooda ka wada.

“Toddobaadkan, waxaan dib u qabsanay sagaal xaafadood,” ayuu yiri Axmed Shire Falagle oo ah wasiirka arrimaha gudaha Galmudug. 

“Kacdoon xooggan ayaa ka socda maamul goboleedka Galmudug.” 

Dowladda federaalka ayaa Sabtidii ciidamo u dirtay Galmudug si ay u xoojiyaan dagaal-yahanada deegaanka. 

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa horraantii bishan waxay duleedka Beledweyne ku dileen 18 qof oo shacab ah ayaga oo kadibna gubay baabuur, taasi oo sii kicisay dadka deegaanka. 

Dagaalkan ayaa u muuqda kii ugu dambeyn looga adkaan lahaa Al-Shabaab, loogana xoreyn lahaa dalka.