Cali Geedi oo kulamo kawada magaalada Muqdisho (Muxuu ku saabsan yahay)

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi ayaa maanta kulan khaas ah magaalada Muqdisho kula yeeshay xubnaha Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka.

Cali Maxamed Geedi, ayaa Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka kala hadlay halka uu maraayo qorshahooda dib u heshiisiineed iyo waxyaabaha horyaal ee iminka laga doonaayo inay qabtaan.

Cali Maxamed Geedi, ayaa xubnaha Guddiga ku wargaliyay inay muhiim tahay in Somalia laga dhaqan galiyo dib u heshiisiin dhab ah, waxa uuna xubnaha xasuusiyay in Soomaalidu ay tahay kuwo ay kala geysay colaad.

Waxa uu Cali Maxamed Geedi xubnaha Guddiga u cadeeyay inay adag tahay in Somalia laga helo laba beel oo uu xiriir wanaagsan ka dhexeeyo, taa oo uu sababteeda ku sheegay colaadaha ka dhex oogan beelaha Soomaaliyeed.

Cali Geedi waxa uu sidoo kale, cadeeyay inuu aad uga xun yahay in muddo intaa kabadan ay Soomaalidu kasii dhaxeyso colaado salka ku haya beelbeel.

Sidoo kale, Ismaaciil Macalin Muuse oo ah Gudoomiyaha Gudiga Dib u Hishiisiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in degaano hoosyimaada Gobalada Gal-Gaduud iyo Shabeelaha Hoose ay ugu dambeysay meelaha ay ka dhaceen dagaalada, balse waxa uuna carab dhabay inaanu yareen dadaalkooda ku aadan dib u heshiisiinta.

Geesta kale, Gudoomiyaha Gudiga Dibu Hishiisiinta Qaranka Soomaaliyeed iyo Cali Geedi, ayaa isla fahmay in dib u heshiisiinta dhaqan galeysa ay noqoto mid dhaba oo aan loogu roonaan beel gaara.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com