Taliyihii Ciidanka Booliska Qeybta Galbeed ee Somalia oo sabab yaab leh xilka looga xayuubiyay

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyihii Ciidanka Booliska Qeybta Galbeed G/le Sare Maxamed Daahir.

Taliyaha Qeybta Galbeed, ayaa waxaa xilka looga qaaday wareegto kasoo baxday Xafiiska Ku-simaha Taliyaha Booliiska Generaal Mukhtar Xuseen Afrax.

Xil ka qaadista G/le Sare Maxamed Daahir, ayaa ka danbeysay kadib markii uu u gacanqaaday Ku-simaha Taliyaha Booliiska afar maalin ka hor inta aan xilka laga qaadin.

Gacan qaadka ayaa dhacay xili Saraakiisha ugu sareysa Booliska ay ku jireen shir amniga khuseeyay, waxa uuna falkaan dhacay kadib markii Ku-simaha Taliyaha Booliiska uu amar duldhigay Maxamed Daahir.

Dhinaca kale, Ku-simaha Taliyaha Booliiska ayaa sheegay in G/le Sare Maxamed Daahir uusan xil u heyn Taliska Booliska sababo la xiriira amar diido iyo gacan qaad uu sameeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com