Cali Guudlaawe iyo Ugaas Xasan oo shir lagu kala tagay ku yeeshay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Ugaas Xasan Ugaas Khilaaf, oo ah Ugaaska beesha Xawaadle iyo Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, kulankaas oo ku saabsanaa arrimaha HirShabeelle.

Kulankaan ayaa la sheegay inuu ahaa mid uu dalbaday Cali Guudlaawe islamarkaana gurigiisa loogu tagay Ugaas Xasan Ugaas Khilaaf waxaana la sheegay inuu natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

Cali Guudlaawe ayaa Ugaas Xasan kala hadlay tabashada shacabka reer Hiiraan ee arrimaha doorashooyinka iyo in la joojiyo banaan-baxyadii dhowaan ka dhacay Beladweyne hase yeeshee waxaa diiday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

“Cali Guudlaawe waxa uu Ugaaska kala hadlay in doorashada noqoto mid furan qofkii soo baxana uu hogaamiyo Shacabka HirShabeelle balse aysan beel gaar ah kursiga yeelan waxaase ka diiday Ugaaska,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka HirShabeelle oo la hadlay Caasimada Online.

“Ugaas Xasan waxa uu ku adkeestay in Hiiraan go’i doonto haddii aysan Xawaadle helin Madaxweynaha waana lagu kala tagay kulanka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaan-kan ka tirsan baarlamaanka waqtigooda dhamaaday ee HirShabeelle.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in la diyaariyay Xildhibaanada baarlamaanka HirShabeelle ka soo geli doono gobalka Hiiraan, sidoo kalane la diyaariyay Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle oo isagana ka imaan doono Beesha Xawaadle, waxayna dhamaantood hadda wada joogaan Muqdisho.