Donald Trump oo dalbaday in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la-taliyayaashiisa sare u sheegay inuu doonayo in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen warbaahinta Bloomberg.

Sida lagu yiri warbixinta, kasoo saarista ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Trump u ogolaaneysa inuu ka dhabeeyo mid ka mid ah ballan-qaadyadii u u ku galay ololaha doorashada oo ahayd, inuu ciidamada Mareykanka ee dagaallada kala duwan u jooga caalamka uu kusoo celin doona dalkooda.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa billowday inay qorshooyin u diyaariso madaxweynaha, waxaana wada-xaajoodyada arrintan ku saabsan qeyb ka ah la-taliyaha amniga qaranka Robert O’Brien, Wasiirka Gaashaandhigga Mark Esper, iyo taliyaha guud ciidamada Mark Milley, sida ay sheegeen ilo-wareedyada.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 700 oo askari, kuwaas oo badankood ah ciidamo gaar ah oo gacan ka geysta tababarka ciidamada Soomaaliya. Dhammaan ciidamadan ama badankood ayaa waxaa la diray intii uu Trump xukunka hayey.

Damaca madaxweynaha ee ah inuu Soomaaliya kasoo saaro ciidamada, ayaa si kastaba noqday mid aan sahlaneyn, ayada oo saraakiisha ay ka digeen inay tani horseedi karto inay soo baxaan dal-daloolo ay buuxiyaan Al-Shabaab.

“Haddii ciidamada Mareykanka ay kasoo baxaan Soomaaliya, waxaa sii daciifi doono xakameynta amniga Soomaaliya ee markii horeba ku adkeyd dowladda federaalka,” waxaa sidaas yiri Colin Thomas Jensen, oo la-taliye sare oo siyaasadda Africa u ahaa safiirkii hore ee Mareykanka ee QM Samantha Power.

Trump ayaa bartamihii 2017 billaabay inuu ciidamo dheeri ah u diro Soomaaliya, taasi oo qeyb ka aheyd dadaallada ka hor-tagga argagixisada.

Inkasta oo dowlado badan ay ku tiirsan yihiin ciidamada Mareykanka, haddana bixitaankooda waxay Trump u ogolaan doontaa inuu sheegto inuu ka dhabeeyey ballan-qaad uu sameeyey intii uu socday ololaha doorashada 2016, oo ahaa inuu dhameyn doono dagaallada dibedda, isaga oo horey ciidamada Mareykanka uga soo qaaday Afghansitan, Syria iyo Jarmalka.

Afhayeenada Golaha Amniga Qaranka, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidamada ayaa dhammaantood diiday inay ka hadlaan arrintan.