Ammaanka JOWHAR oo la adkeeyey iyo sababta

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada amniga dowlad goboleedka HirShabelle ayaa saacadihii la soo dhaafay xoojiyey ammaanka magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi, xilliga lagu jiro ololaha doorashada HirShabelle.

Ciidamada HirShabelle ayaa dhaq-dhaqaaqyo iyo howl-gallo cusub ka bilaabay gudaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/ Dhexe.

Taliyaha saldhigga Jowhar, Maxamed Siyaad Cali (Canjeex) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen amniga doorashooyinka ka dhacaya magaaladaasi.

Canjeex ayaa sidoo kale intaasi ku daray in xaafadaha magaalada iyo banaankeeda ay ka sameysteen xarumo laga sugo ammaanka, ayna ka sameeyaan howl-gallo joogto ah.

Sidoo kald wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago wax kasta oo liddi ku ah nabad-gelyada deegaanka.

Jowhar waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacayey falal ammaan darri oo u badan dilal qorsheysan oo qaarkood loo geystay mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka HirShabelle.

Si kastaba ha’ahaatee Jowhar ayaa dhowaan marti gelineysa doorashada HirShabelle iyo tan xildhibaanada laba aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.