Cali Khaliif Galayr oo Cadaado tagay iyo Guuleed oo aan maanta loo kala hari doonin (Faah-faahin)

Cadaado (Caasimada Online) – Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaa maanta ka dhaceyso xaflada caleemo saarka madaxweynaha maamulka Galmudug C.kariin Xuseen Guuleed oo dhawaan lagu doortay magaaladaasi.

Xaflada waxaa ka qeyb galaya masuuliyiin kala duwan oo ka socda Beesha Caalamka iyo maamul goboleedyada qaar ee ka dhisan gobolada dalka Soomaaliya.

Waxaa haatan magaalada Cadaado ku sugan madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya sida wasiiro iyo xildhibaanka baarlamaanka ah.

Maanta waxaa la filayaa in madaxweynaha maamulka koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan uu ka qeyb galo xafladaasi, isagoo kasoo duulaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ilo xog ogaal ah inoo sheegeen.

Sidoo kale wafdi ka socda Midowga Yurub oo xaflada Caleemo saarka ka qeyb galaya ayaa kasoo duulaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo toos kaga dagi doona magaalada Cadaado.

Cadaado waxaa horay loogu doortay gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug, ku xigeenadiisa iyo madaxweynaha maamulkaasi iyo ku xigeenkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com