Fadeexad: Xasan Shiikh oo ka hadlay wasaarado billaabay qorshe cajiib ah oo LACAG lagu dhaco!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga digay wasiirada xukuumadda Soomaaliya lacagaha ay wasaaradahooda u qaadaan oo si sharci darrada ah ee aan ku dhicin qasnada dhexe ee dowladda kana war qabin wasaaradda maaliyadda.

Isagoo dhowaan ka hadlay shir aan caadi ahayn ee Golaha Wasiirada yeeshaan, shirkaasoo uu madaxweynuhu ka qeyb galay isaguna guddoomiyay ayuu si cad ugu sheegay wasiirada xukuumadda Soomaaliya in wasiirkii boono lacageed sameystay laba daba tegi doono qofka boonada qaadaya kaliya maahee wasiirkii u soo dhiibay tallaabo laga qaadi doono.

Madaxweynaha ayaa u sheegay wasiirada inay ka war hayaan wasaarado lacago sharci darro ah uruursada oo boonooyin iskood ah sameystay, wuxuuna ka digay in arrintaas loo qaban doono wasiirada.

Arrintan ayaa timid kadib markii dhaqaale yari soo food saartay dowladda Soomaaliya oo wax ka bedel kharash dhimis ah lagu sameeyay miisaaniyadda 2015 ee hore loo ansixiyay iyadoo lacag dhimis lagu sameeyay mushaarka iyo kharashkii la siin jiray wasaaradaha iyo xafiisyada dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com