Sawirro: Hadliye oo la kulmay danjiraha KENYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta kaga gudoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah Warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb. Maj. Gen. (Rtd.) Lucas Kyonze Tumbo .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga iyo Safiirka cusub oo shir jaraa’id wada qabtay ayaa waxa ay xuseen wax ay ugu yeereen horumarka uu gaaray xiriirka taariikhiga ah iyo midka derisnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya .

Dowladda Kenya ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), waxaana Kenya ay iminka isku dayeysaa inay boobto qeybo ka mid ah badda Somalia.
5

4

3

2

1