XASAN SHEEKH iyo wafdi oo gaaray CADAADO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminaayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah Maamulka Galmudug.

Wafdiga Madaxweyne Xassan ayaa waxaa kamid ah Wasiiro, Wasiiro xigeeno iyo Xildhibaano ka tirsan BF Somalia, kuwaasi oo ka qeybgali doona Munaasabada Caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xusein Gulleed.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, waxaana wafdiga loo galbiyay Madaxtooyada Maamulka.

Madaxtooyada Maamulka ayaa waxaa iminka ka socta qabanqaabada Munaasabada Caleema saarka waxaana lasoo warinayaa in Madaxweyne Xassan uu halkaasi ka jeedin doono Khudbado uu taageero ugu muujinaayo Madaxweynaha Galmudug iyo Maamulkiisa.

Dhanka kale, waxaa la adkeeyay amaanka guud ee Magaalada Cadaado waxaana Munaasabada qeyb ka noqon doono Xubno ka kala socda Beesha Caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com