Hambalyo C/W GAAS: Boqorka beesha Daarood

Inagoo cimri ilaah noo siiyey in aan usoo joognay maalmo holac ah iyo maalmo xoogaa roon, inagoo naqaan si fiican miraha laga gurto qabyaalada, inagoo si fiican ulla socona baahida loo qabo qaran somaaliyeed ayaan u garanay in uu u qalmo C/wali Gaas in loo dalacsiiyo boqorka beesha Daarood waayo wuu mutaystay .

Wuxuu soo maray raiisul wasaaraha Somalia, mar wuxuu isu sharaxay madaxweynaha Somaliya waa qurba joog hada waa madaxweynaha Puntland laakiin shaqadiisa ayaa isu badashay abaabulka beeshiisa, wuxuu marti galiyey shirkii xusuusta reebay ee ka dhacay Garoowe waa shirkii looga yimid Xamar, Kismaayo, Itoobiya Bosaso, iyo Galkacyo iskuna arkeen siyaasiyiinta beesha Daarood .

Waxaa hadaba cajiib ah hadii Somalia markii hore la yiri waa 4.5 lana yiri waa fadaraal in sidaan loo kala shiraa maxay dhali kartaa? waxaan kaloo is waydiinaynaa cabaadka iyo qaylada C/wali Gaas ee ku saabsan maamul u samaynta gobolada dhexe maxay salka ku haysaa soo amakaag iyo xaqiraad ma ahan in Gaas iyo taageerayaashiisu iska dhaadhiciyaan in aysan maamul samaysan Karin dadka dagan min garacad ilaa raagaceele dhanka kale xuduuda itoobia ilaa xeebta Hobyo

Ninbaa waxaa laga sheegay xabiibi ma anigaa suudaanta keenay yaa keenay fadaraalka yaa qarankii midnimo u diiday, yaa Aadan cade ka shaqayn waayey, yaa dilay C/rashiid, yaa M siyaad ka shaqayn waayey oo dagaal jabhadayn ku bilaabay, gogoshii carte iyo Cabdiqaasin yaa diiday, dalka yaa keenay ciidan shisheeye, yaa isku diray raiisulwasaarayaasha iyo madaxda oo mooshin la taagan, wuxuu yiri ADAA FIIQDEE KOR HA FIIRIN runtu waxay tahay reer garoowow haka cabanina fadaraalka hana ka dhiginina qabiil.

Gobol iyo bar maamul ma noqonkaraan, labo golona ma dhama xujada ah ma socon kartaa oo miyaan la is waydiin Karin dadkani ma calaal bay maamulkale u noqonayaan maya dastuurka loo daliilsanayana aaydan quraan maahan dadkuna labo mid huri maayaan in qaranimo ka dhexaydo iyo noqdaan qabiilo darisah laakiin aan qaran lahayn

U fiirso in kibirku dadka uu indha tiro Puntland dastuurka waxaa ugu qoron gobolada Sool, sanaag iyo mudug waxay diidayaan in dadkale ku qorto Mudug cajiib waxay si cad u sheegayaan in aan loo baahnayn xiligaan dakad kale oo aan Boosaaso ahayn

Waxaan kula talinayaa boqorka beesha

  1. Hadaad qolo shirido kuwii kalena waad shiriday ee ka joog qolo u yeerida xusuusnow Somaliweyn
  2. Dadka daga gobolada Mudug iyo Galguduud qarankii ayaa horey u xaqiray ee u daa danahooda oo hakicin lama daminkaree, ogow in laga helo dagmooyin isu jira 400 Km oo xukunba waligiis gaarin xeeb 2000 km dakad la aan ah boqolaal km oo aan waddo la hayn iskuul iyo isbitaalna hada ayaa ugu horaysa waxa kaliya ee ay yaqaanaana waa qabyaalada ogow waa halkii burburku ka bilowdey sidaas darted iskaashigu haka bilodo.
  3. Gaas halka aad qabyaalad darted Axmed madoobe kismaayo uga yeertay una kaalmaynayso iskaashada C/Karin Xusen
  4. Hanoqon macalinka qabyaalada ee noqo macalinka midnimada raaligalin iyo magdhowna ka bixi hadalkaagii ahaa “shaaqalaha maamulka Puntland mushaarkiina waxaa lagu difaacayaa Puntland” waxaana su aal ah yaa ku soo duulay Puntland wayna ogyihiin dadka gobolada dhexe dhaqaalahaasi meesha ay mareen

Ugu dambayn hadii aad talooyinkaan qaadato waa ok hadii kale waxaan kuu caleema saari doonaa boqorka beesha boqoro badan oo beeleed ayaana dhalan doona.

Qore: Cilmi Nuure Weheliye
cilminure@gmail.com