Xog: Madaxweyne Sheekh Maxamed oo beeniyay in madaxweyne XASAN Sheekh Maxamuud uu…

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu sunna gobolada dhexe ayaa si cad u beeniyay iney wadadal kula jiraan dowlada Soomaaliya, taasi oo ku aadan in maamulka Ahlu sunna uu kamid noqdo maamulka Galmudug ee Cadaado lagu dhisay.

Madaxweynaha maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa sheegay ineysan jirin wax wadahadal ah oo ay la galeen dowlada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ee madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, ayuu ku eedeeyay in marar badan hishiisyo ay la galeen kaga baxeen, wuxuuna sheegay in marnaba uusan dhab aheyn iney wadahadalkaasi ku jiraan.

“Ma jirto cid dowlada ka tirsan oo aan hadda wadahadal kula jirno kuna aadan arimaha Galmudug, dowlada Soomaaliya marar badan iyadaa hishiisyo aan galnay nooga baxday”ayuu yiri Sheikh Maxamed Shaakir

Labadii todobaad ee lasoo dhaafay waxaa baxayay warar ku aadan in odoyaal matalaya dhanka dowlada Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ay wadaan wadahadal ku saleysan dhameynta mucaaradnimada Ahlu sunna.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com