26.9 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Cali Mahdi: Wixii aan ka diidnay Itoobiya iyo Meles Zenawi ayaa dalka lagu maamulaa

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ka hadlay shirkii lagu soo gaba-gabeeyey magaalada Muqdisho ee beesha Mudullood ayaa sheegay in maanta ay haboontahay in Soomaali loo qabto shirweyne qaran “Soomaali mideysan hadii la helo dowlad shacbiyad heysata ayaa soo baxeysa”ayuu yiri.

Mar uu soo hadal qaaday nidaamka federaalka ee dalka lagu maamulo ayuu sheegay in inta dalkaan lagu maamulaayo federaal uu qaran Soomaaliyeed noo jiro inta cirku jiro.

Cali Mahdi ayaa sheegay in federaalka uu yahay nidaam ay keeneen Meles Zenawi iyo Itoobiya, kaasi oo ayaga ay horey uga diideen.

“Hadii gobol walba calan qabiil ah laga suray, ka Cali Mahdi ahaan qaran Soomaaliyeed oo xoog leh inta cirku noo jiro ayuu noo jiraa, federaalka aan ku dhaqano Itoobiya ayaa iska leh, anagu waan ka diidnay xilligeenii, balse Nairobi ayaa la geeyey laguna soo dhisay, waxaana federal loo keenay qaran adag in uusan dalkan ka dhalan” ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed.

Cali Mahdi ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin cid u diidi karta beesha Mudullood in ay shirto.

Cali Mahdi ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu dhegihiisa ku soo dhacaayey war ah “Mudullood ma shiri karo” balse ay si sharci ah u shiraayaan, sida Soomaalida kalena ay u shiraan.

“Mudulood qabiil maaha, waa qowmiyad Ilaahey ka dhigay garabka midig ee qaranimada Soomaaliya, sidaas darteed Mudullood xaqbuu leeyahay, qof diidi karta oo Alle abuurtayna majirto” ayuu yiri Cali Mahdi oo caro laga dheeha karay hadal jeedintiisa.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Marka aan leeyahay Mudullood waa qaran, ulama jeedo in uu kaligiis qaran yahay ee Soomaali oo wada jirta ayuu qaran ku yahay, Soomaali oo wax qeybsaneysa ayuu qaran ku yahay, laakiin markii ay gaarto in bahasha hoos la iskugu dhigo ma yeeleyno cid laga yeelaayana ma jirto”.

Hoos ka dhageyso codka Cali Mahdi

- Advertisement -

Read more

Local News