Cali Nuur Salad oo ka baxay ololaha doorashada Khayre

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee waaxda warfaafinta xafiiska ra’iisul wasaaraha, Cali Nuur Salaad ayaa shaaciyey inuu gaabi ahaan isaga haray ololaha uu wado musharrax Xasan Cali Khayre oo isku soo taagay xilka madaxweynaha ee afarta sano ee soo socota.

Cali Nuur oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii aadka ugu dhowaa Khayre, ayaa shaqada ka tegay maalmo kadib, markii la riday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Kadib is-casilaada uu ku dhowaaqay Cali Nuur Salaad ayaa waxaa lala xiriiriyey inuu qeyb ka yahay ololaha uu doorashada soo socota ugu jiro, Mudane Xasan Cali Khayre.

Agaasimihii hore ee waaxda warfaafinta xafiiska ra’iisul wasaaraha oo wax laga weydiiyey arrintan ayaa sheegay in uusan hadda qeyb ka aheyn ololaha uu wado Khayre, wuxuuna carabka ku dhuftay in markii horeba uusan u shaqeynin shaqsi, balse uu ka tirsanaa xafiis dowladeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ka shaqeynayey xafiis dowladeed ee shaqsi uma shaqeyneynin,” ayuu hadalka ku soo koobay, Cali Nuur Salaad.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan ololaha uu doorashada ugu jiro Khayre ka bilaabay wadamada dariska sida Jabuuti iyo Kenya oo uu booqasho ku tegay.

Si kastaba ha’ahaatee dad badan ayaa rumeysan in Khayre uu waayey xubno fir-fircoon oo laf-dhabar u ahaa ololihiisa doorashada ee uu ku doonayo xilka madaxweynaha.