Dhagxaantii laga qaaday jidadka MUQDISHO oo ay beddeshay caqabad cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo la qaaday guud ahaan dhagxaantii la dhigay wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho, islamarkaana munaasabad lagu furayay wadooyinkii xirnaa Talaadadii lagu qabtay Muqdisho, ayaa haddana waxaa wali adag marista waddooyinkaas.

Wadayaasha gaadiidka BL-ka, kuwa wada gaadiidka waa weyn iyo darawalada gaadiidka raaxada ah ayaa sheegay in askar ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ku sugan waddooyinkii la furay ay gaadiidka ku amrayaan in ay laabtaan haddii aysan bixin lacag ay  ku sheegeen qorrax joog.

“Shalay iyo maantaba waxaan dhowr isgoys ku soo maray lacag cel celis ahaan dhan $9, hadii aadan bixin ma gudbi kartid sababtoo waxaa muuqata in wali uusan dhaqan gelin amarkii dowladda,” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyarada magaalada Muqdisho kana tirsan darawalada gaadiidka raaxada kuwata Muqdisho.

“Marka hore waxaa lagu weydiinayaa aqoonsi, kadib waxaa lagaa rabaa qorrax joog haddii aad diido waxaa lagu leeyahay jardiinka aad, ama Sanca aad ama Isgoys hebel aad mana lagu sheegayo sababta, arrintaan waxaa fulinaya askarta oo kaliya ma arkin taliye,” ayuu yiri qof kale oo kamid ah darawalada gaadiidka Muqdisho.

Sanadihii la soo dhaafay bixinta lacagta laaluushka ee wadooyinka lagu maro waxay aheyd mid caadi ah, balse hadda waxay arrintaan uga badalan-tahay kuwii hore in dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in la furay qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho.