CALI YARE oo u jawaabay Senator Sareedo Maxamed

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa u jawaabay Senator Sareedo Maxamed Xasan Jayte oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare, islamarkaana laga soo doortay maamulka Puntland.

Senator Sareedo ayaa ka mid aheyd dadkii ka falceliyey doodii Cali Yare ee ku saabsaneyd in amniga Muqdisho la qabiileeyo, islamarkaana awoodda la siiiyo beesha Hawiye.

“1972-1974-kii haddii ay caasimaddu ammaan ahayd ma qabiil baa ilaashan jiray mise magaalo Soomaaliyeed oo si wadar ah loo daganyahay bay aheed? Haddii dadkii lagu tuhmayay inta yar oo aqoonta ah ay leeyihiin qofka ka yimid gobol kale, Xamar waa laga xigaa, dee markaa aan xaarxaaranno meel aan la kala xigin,” ayey falcelinteeda ku tiri Senataro Sareed Maxamed Xasan.

Sidoo kale waxaa dib usoo jawaabay guddoomiye Cali Yare oo su’aallo ka keenay qoraalka Senataradda, taas oo la xiriirta isla arrinta magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Cali Yare ayaa intaasi ku daray in 19972-dii Soomaaliya ay laheyd qaran xoogan, balse hadda ay la dagaalameyso gaari qarax sido iyo qof miineysan, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka laga soo tago Isbarbar dhigga 1972 oo aan aheyn qaran xoog leh iyo 2022 oo aan la dagaalameymno gaari qarax ka buuxo iyo qof miineeysan ay kun ruux ku dhimanayaan, hadana aan Senatorada waydiiyo su’aal xaqiiqo qaraar ah taas oo ah; hadii ay bulshada la wadaagi karto qof labadii qarax ee Soobe uga dhimatay Beesha Reer Maxamuud oo ay kursiga ku matasho iyo haddii ay jiraan magacyada dadkaas iyo sidoo kale magacyada 10 Qoys oo Muqdisho ka daggan reerka ay kursiga ku matasho? Haddii aanay heyna dood uma furna,” ayuu yiri Cali Yare Cali.

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Banaadir oo faahfaahin ka bixinayey doodii uu bixiyey iyo hadal heynta ka dhalatay ayaa sharraxaad ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray.

“In Muqdisho Caasimmaddii dalka tahay oo ay Soomaali oo dhan ka dhexeyso, balse hal qabiil uu hadda iyo shalayba u badanyahay reerkaasina uu Hawiye yahay miyaa dood ka qabtaa?. In qasaaro kasta oo Muqdisho ka dhacda uu culeysku reerkaas u badantahay miyaa been ah? ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan ay Muqdisho wajaheyso culeys xoogan oo ku aadan amniga, kadib markii ay kordheen weerarada qaraxyada ee ka dhacaya iyo dilalka qorsheysan.