Qoddobka ugu adag ee la isku mari la’yahay wada-hadalada Ethiopia iyo TPLF

Nairobi (Caasimada Online) – Wejigii labaad wada-hadaladii u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo jabhadda TPLF ee ka socday magaalada Nairobi ayaa durtaba u muuqda kuwa qaadan doona waqti dheer kadib markii ay soo wajaheen caqabado cusub.

Wada-hadalka oo qeyb ka yihiin saraakiisha ciidamada labada dhinac ayaa lagu waday in maalintii shalay aheyd lasoo gaba-gabeeyo, hase yeeshe illaa hadda majiro war rasmi ah oo dhinacyadu soo saaree.

Wararka ayaa sheegay in qodobka ugu adag ee illaa hadda la isku mari la’yahay uu yahay “hub ka dhigista kooxda TPLF” taasi oo jabhaddu ay shuruudo ku xirtay fulinta arrintaas.

TPLF ayaa rabta in gobolka Tigray ay si dhaqso ah uga baxaan ciidamada Eritrea, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada Itoobiya.

“Hubka dhigista qodobka la xiriira waxaa caqabad ku noqday dalab ka yimid kooxda TPLF oo doonaysa in si deg-dega ciiddamada Eritrea uga baxaan Tigray,” ayuu yiri sarkaalka oo magaciisa qariyay.

Sidoo kale waxaa dalabaadka TPLF ay hordhigtay wada-hadaladaan qeyb ka ah in marka hore la soo celiyo adeegyadii aasaasiga iyo inay dadkoodu gargaar deg-deg ah helaan.

Arrintaan ayaa imaneysa xili ay jabhadda TPLF wajaheyso culeyso uga imanaya dibadda, kuwaasi oo ku aadan inaysan ku deg-degin hubka dhigista, taasi oo ay si weyn u dooneyso dowladda dhexe ee Itoobiya.

Dowlada Itoobiya ayaa iyaduna dhankeeda dooneysa in in marka hore TPLF hubka dhigaan, ka hor inta aan talaabo kale la qaadin, taasi oo sida muuqata marnaba aysan aqbaleyn TPLF.

Si kastaba, waxaa socda dadaalo ay wadaan wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Itoobiya iyo madaxweynihii hore ee Kenya oo garwadeen ka ah wada-hadalka, sidii labada dhinac ay ugu heshiin lahaayeen qodobada la isku mari la’yahay.