Qatar iyo Israel oo gaaray heshiis cusub (faah-faahin)

Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa ogolaatay in duulimaadyo toos ah uga imaan karaan Israel, kuwaasi oo u furnaan doona taageerayaasha Israel iyo Falastiiniyiinta oo u imaanaya Koobka Adduunka, sida uu sheegay xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA.

Heshiiska ayaa bixiyay faah-faahin yar oo ku saabsan sidii ay hal diyaar ugu safri lahaayeen Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta oo tobannaan sano dagaal ka dhexeeyay, kuwaasi oo hadda uga safraya koobkii ugu horreeyay ee lagu qabto dal Carbeed.

“Ku dhawaaqidda taariikhiga ah ee maanta ayaa bixisay gogol lagu hagaajinayo xiriirka bariga dhexe oo dhan,” ayuu yiri Gianni Infantino, guddoomiyaya xiriirka K/cagta ee FIFA.

“Heshiiskan, Israa’iil iyo Falastiin waxay awood u yeelan doonaan inay si wadajir ah u duulaan oo ay ku wada raaxaystaan kubadda.” ayuu sii raaciyay Infantino.

Sidoo kale Bayaan kasoo baxay FIFA ayaa lagu sheegay in duulimaadyadu ay ku xirnaan doonaan “shuruudaha ammaanka ee Israel iyo awoodahooda shaqo” waxaana hadalada kasoo baxay Israa’iil iyo Qatar oo aan xiriir diblomaasiyadeed ka dhexayn ay cadeeyeen kala qaybsanaantooda.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Yair Lapid oo xilka ka degaya ayaa dhankiisa soo dhaweeyay heshiiskan isagoo aan soo hadal qaadin safarka Falastiiniyiinta ee tartanka oo billaabanaya 20-ka November.

Sarkaal ka tirsan dowladda Qatar oo la hadlay wakaalada AFP ayaa sheegay in dowladda Qatar ay gudbisay Israa’iiliyiinta in xaalad kasta oo kusoo korortay Quddus, Gaza ama Daanta Galbeed inta lagu jiro waqtigan ay halis u tahay baabi’inta heshiiskan oo ay ku jiraan duullimaadyada tooska ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ka badan 10,000 oo taageereyaal Falastiiniyiin ah iyo Israa’iiliyiin ah ay heleen tikidhada tartankan oo socon doona 29 maalmood.

Sida ku cad heshiiska marti-gelinta Koobka Adduunka, Qatar ma diidi karto taageereyaal ka socda waddan kasta.

FIFA ayaa lasoo warinaya inay bilo ku qaadatay “gorgortan adag ah” si ay u dhex-dhexaadiso heshiiska u ogolaanaya duulimaad toos ah oo ka imaanaya garoonka diyaaradaha Israa’il ee Ben Gurion.