Cagjar oo u jawaabay dadka dhaliila dagaalka ay qabiilada kula jiraan AL-SHABAAB

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa u jawaabay dadka dhaliilaya dagaalka ay shacabka isku abaabulay habka qabiil iyo ciidamada dowladda kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka ayaa waxaa jiray siyaasiyiin dano ka leh oo dhaliilaya dagaalka ayaga oo sheegaya in shacabka hubeysan ay dhibaato ka iman karto marka laga adkaado Al-Shabaab iyo in hubkii dowladda lagu xoojinayo qabiilo gaara h.

“Dadka sida kale uga hadlay kacdoonka ka socda gobolka Hiiraan ee lagaga soo horjeedo Al-Shabaab dadkaasi way khaldan yihiin, Muddo aad u dheer dadkan dadka qarxinayay haddii cid u dhaqaaqda la waayay, maanta markii dadku dhaqaaqeen in waxyaabo kale la yiraahdo oo khalkhal iyo doodo kale ay keenaan dad iyagu wakhti haya oo meelahaa fadhi ku dirirka fadhiya khalad ayaan u arkaa,” ayuu madaxweyne Mustafe.

Mustafe ayaa sheegay in howl kasta oo lagalo ay dhibaato ka imaan karto, sidaasi si lamid ahna howlgalladana wixii dhibaato ah ee hadhow ka yimaadda xalkeeda loo wada joogi doono.

“Codka midaysan ee Soomaaliyeed ee ah in Al-Shabaab meel la iska saaro, cidda tashuushka ku furaysa iyo khalkhalka haka waan toobaan,” ayuu yiri. 

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa bogaadiyay sida Shacabka gobolka Hiiraan ay isugu xil qaameen inay u midoobaan sidii ay meel uga soo wada jeedsan lahaayeen ladagaalanka kooxda Al-Shabaab, iyagoo gacan ka helaya Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in dowlad degaanka Soomaalidu ay ka go’an tahay sidii loo soo afjari lahaa kooxda Al-Shabaab oo uu sheegay in dhibaatooyin badan ay Soomaalida u gaysteen.

“Kooxda Al-Shabaab waa koox Soomaalida halaag iyo dhibaato badan u gaystay, waxaana naga go’an inaan gudano kaalinta nagu aadan ee lagu soo afjarayo kooxda Al-Shabaab”, ayuu yiri Madaxweynuhu.

Waxa kale oo Madaxweynuhu xusay inay xukuumaddiisu iyo shacabka degaanka Soomaalida ay mar walba hiil iyo hooba la garab taagan yihiin shacabka gobolka Hiiraan ee howlgalka kula jira kooxda Al-Shabaab, oo uu sheegay in labada shacab waa degaanka Soomaalida iyo gobolka Hiiraan inay yihiin dad wlaalo ah oo howlo badan iska caawin kara.