SOMALILAND oo war lama filaan ah ka soo saartay walaaca doorashooyinka

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo shirkii shalay ee Golaha Wasiirada kaga hadashay arrimaha doorashooyinka ayaa shaacisay inay ka xukuumad ahaan dhameystirtay doorkii kaga aadana arrimaha doorashooyinka.

Waxay sheegtay xukuumadda Muuse Biixi inay sidoo kale dhameystirtay dhaqaalihii doorashooyinka lagu qaban lahaa ee dhankeeda ku waajibka ahaa, islamarkaana ay u diyaar garowday sidii loo sugi lahaa amaanka cod-bixiyayaasha.

“Xukuumaddu waxay raacaysa qorshaha wakhtiga ay guddida doorashooyinku soo cayimaan ee ay ku qaban karaan diiwaan-gelinta iyo doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalkaasi “Waxay xukuumaddu ku boorrinaysaa dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland in ay si nabada ah doorashooyinka u galaan.”

Arrintan ayaa aheyd mid lama filaan ah oo la rumeysan yahay inay ku timid cadaadiska wakiilada beesha caalamka ay ku saarayeen arrimaha doorashooyinka xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi.

Golaha Guurtida oo uu gadaal ka riixyay madaxweyne Biixi ayaa kal hore waxay u sameeyeen muddo kordhin laba sano ah, taasi oo u muuqata inay meesha uga bixi doonto cadaadiska lagu saarayo qabashada doorashooyinka.