DF oo soo saartay DIGNIIN ku wajahan laba GOBOL

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin sheegaysa in gobolada Awdal iyo Gedo ay wajihi karaan khatar kaga timaada halista daadadka roobka (flash floods).

Qoraal kasoo baxay hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in sida saadaaashu sheegayso labadaas gobol ay asbuucan heli doonan roobab inta u dhaxeysa 10 – 50 (mm).

“Hadii roobabkaasi ay goboladaas uga da’aan sida ay saadaashu sheegeeyso waxay dagmooyin gobolladaasi ka mid ah wajihi Karaan khatar kaga timaadda halista daadadka roobka (flash floods) ay roobabkaasi sababi doonaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka.

Sidoo kale waxay hay’addu sheegtay in gobolada kale ee dalka sida: Barri, Woyooyi Galbeed, Sanaag, Bay, Jubada-dhexe, Jubadda-hoose, Shabeellaha-dhexe, Shabeellaha-hoose iyo degmooyin ka mid ah gobolka Hiiraan ay asbuucan heli doonaan roob xadigiisu u dhexeeyo 01 – 30 (mm), sidaas darteedna aan la fileyn inay yeeshaan saameyn badan.

Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay soo saareysay “Saadaasha Roobka todobada casho ee soo socota”, taasi oo ay uga digeyso haddii ay jirto halis ka dhalan karta roobabkaasi.

Daba-yaaqada bishii hore ayey aheyd markii magaalada Qardho ee hoostagta maamulka Puntland ay ku rogmadeen daadad xoogan, kuwaasi oo aan horay looga sii feejignaan.

Illaa saddex tog oo Qardho ku soo dhaca ayaa xiligaas biyo ka yimid meelo fog ku soo rogeen magaalada, gaar ahaan xaafadaha ku yaal dhanka hoose ee biyo dhaca.

Daadadkaas ku rogmaday Qardho ayaa waxaa la xaqiijiyay ugu yaraan laba qof oo da’ah inay ku dhinteen, sidoo kale ku burbureen guryo iyo goobo kale oo ganacsi, tan iyo xiligaasina waxay hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka bilowday ka digista khataraha noocaan oo kale ah ka hor inta aysan dhicin.