“Aabahey afartii nin ee dishay maxay u haysataa Puntland?”

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Mid ka mid ah wiilasha uu dhalay Allaha u naxariistee Wariye Jamaal Faarax Aadan oo horey sanadkii 2021-kii loogu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay kiiska dilka Aabihiis & sababta weli loo fulin la’yahay xukunkii kasoo baxay maxamadda.

Wiilkan dhalinyarada ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dilka Aabihiisa oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ay kasoo wareegatay sanad sideed bilood, welina aysan helin cadaalad.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ragga dilay oo afar ahaa lasoo qabtay, islamarkaana la xukumay balse weli aan wax tallaabo ah laga qaaday, isaga oo ku dooday in la gacan bidixeynayo kiiska.

“Aabahey Jamaal Faarax Aadan dilkiisa waxaa kasoo wareegtay sanad iyo sideed bilood afartii nin ee dishay waan aqaanaa ehelkoda oo ku jees-jeesayay dilka Abaahey $50 baa dhinac ii tuurta lahaa ma garanayo waxay Puntland u haysto. Anigu waxaan ahay nin dhallinyaro ah waxkasta waa iga imaan karaa” ayuu yiri mid ka mid ah wiilasha uu dhalay AUN Jamaal Faarax Aadan.

Wiilkan yar oo sidoo kale ah arday ayaa la gar-naqdsay maamulka Puntland, wuxuuna sidoo kale ka digay in la abuuro iska horkeen bulsho iyo colaad horleh.

“Shacabka yeysan dib isugu laaban yaan la’isku dirin dadku waxaa dad ehela waa dad wada daga marka Puntland 4 nin oo dambi geysatay yeysan fidno dad kale isku abuurin,” ayuu sii raaciyey

Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday hoggaanka sare ee Puntland in arrintaan ay soo farageliyaan, si cadaaladda loo marsiiyo raggii dilay AUN Aabihiis Jamaal Faarax Aadan.

“Dowladda iyada ayaa shacabka u dhexeyso iyadaa dowlad ah cadaaladda ha mariso raggaas dadkii ka horreeyey meesha ay mareen ha mariso” ayuu markale yiri.