Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah Cali Yare Cali oo horay u soo noqday guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir ayaa ka falceliyay xarigga Jeneraal Sheegow oo ay maanta soo qabteen ciidamada ammaanka, kadib dagaal saacado badan qaatay oo ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee Dharkenley.
Cali Yare ayaa su’aallo badan ka keenay arrinta Sheegow, gaar ahaan waxa dhaliyay in sarkaalkan oo ka tirsanaa bad-baado qaran laga sooco raggii kale.
“Maadaama Saadaq John, Abdalla Abdalla iyo raggii kale ee maleeyshiyaadkii badbaado qaran la baxay ka tirsanaa uu Madaxweyne Xasan Shiikh darajooyinkoodii u soo celiyay asbuucyadii ugu horreeysay xafiiska, maxaanu Sheegoow isagana ugu soo celin darajadiisii ciidan oo uu raggaas uga duwanaa?” ayuu qoraalkiisa ku yiri siyaasiga Cali Yare Cali.
Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay qaabka loo soo xiray marka lasoo qabanayay Jeneraal Sheegow oo ay muuqaal kasoo duubeen ciidamadu.
“Waxaan daawannay muuqaal laga duubay Sheegoow oo askarta wada naceybka iyo hadallada cunsuriyadda leh ee afkooda ka baxaya laga yaqyaqsoonayo kana baxsan dhaqanka dowladnimo – raggaas iyagana maxkamadda mala soo saari doonaa Sheegoow?” ayuu mar kale yiri Cali Yare.
Waxaa kale oo uu is weydiiyay cidda ku xigi doonto Jeneraal Sheegow, wuxuuna tusaale u soo qaatay siyaasiyiin waa weyn iyo sidoo kale saraakiil ciidan.
“August 18, 2023, weeraray Guriga Jeneral Shegoow, Yaa xigi doona ? ma Madaxweyne Shariif, Ma Xasan Kheyre ? ma Qoorqoor? ma Cali Jeyte? ma Omar Finish, ma Musharax Koofi, ma Taliye Odawaa ? mise Indhacade” ayuu mar kale yiri Cali Yare Cali.
Halkan hoose ka akhriso warbixinta:-
Dagaalka xalay ilaa saakay Muqdisho ku dhexmaray labada garab ee kooxdii Badbaado qaran la baxday halkiisa ha ii joogo aanse is waydiinno intaan hoos ku qoran;
- Maadaama Saadaq John, Abdalla Abdalla iyo raggii kale ee maleeyshiyaadkii badbaado qaran la baxay ka tirsanaa uu Madaxweyne Xasan Shiikh darajooyinkoodii u soo celiyay asbuucyadii ugu horreeysay xafiiska, maxaanu Sheegoow isagana ugu soo celin darajadiisii ciidan oo uu raggaas uga duwanaa ?
- Maadaama ay kooxda darajooyinkooda loo soo celiyay ay ahaayeen koox sida Sheegoow oo kale laamaha amniga dagaal la galay, halkee maanta laga soo helayaa sharciga kuwaas qaban waayay ee waliba abaalmarinta ay ku heleen ee maanta Sheegoow uu Shuute ku xukumi doono?
- Markii dowladdii hore ay weerarkii argagixiso-nimo ee ku qaaday guriga Abdirahman Abdishakur, doodda ugu xooggan oo ay miiska soo saareen kooxdii Xasan Shiikh waxay aheyd, maxaa shaqsi maxkamadda looga yeeri karo gurigiisa loogu weeraray? hadda; waa isla Xasankiiye muxuu gurigiisa ugu weeraray sheegoow oo ah shaqsi warqad maxkamad gurigiisa loogu geyn karo ?
- Waxaan daawannay muuqaal laga duubay Sheegoow oo askarta wada naceybka iyo hadallada cunsuriyadda leh ee afkooda ka baxaya laga yaqyaqsoonayo kana baxsan dhaqanka dowladnimo – raggaas iyagana maxkamadda mala soo saari doonaa Sheegoow ?
- Horay Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu
August 3, 2014 weeraray guriga Abdi Ileys,
August 10, 2014 weeraray guriga Abdi Nurre Siad
15 Aug 2014 weeraray guriga Ahmed Daaci
Hadda markii uu talada ku soo laabtay;
Maarso 21, 2023 weeraray guriga Xaaji Ibrahin Kaah
August 18, 2023, weeraray Guriga Jeneral Shegoow, Yaa xigi doona ? ma Madaxweyne Shariif, Ma Xasan Kheyre ? ma Qoorqoor? ma Cali Jeyte? ma Omar Finish, ma Musharax Koofi, ma Taliye Odawaa ? mise Indhacade ?
- Taariikhda galka dacwada eedeeynta Sheegoow, ma waxay ka soo billaabaneysaa 2021 maalinkii uu joogay Miranaayo iyo Shiirkole ee uu billaabay inuu dowladda dalka la dagaalo, isaga oo ku saf ahaa Madaxweyne Xasan Shiikh, mise waxay ka billaabaneysaa markii uu la dagaalay dowladda hadda jirta ee Jaalle Hawiye oo kali ah ?