Fal-celin yaab leh oo ka dhalatay xarigga Sheegow

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xabsiga dhigtay Jeneraal Sheegow Axmed Cali, kadib dagaal saacado qaatay oo xalay iyo maanta ka dhacay xaafadda Kaawo Godey oo ka tirsan degamda Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Booliska Soomaaliya oo ka hadlay qabashada sarkaalkan ayaa ku eedeeyay inuu dhibaato ku hayay shacabka ku dhaqan degmada, isla-markaana ciidamadiisa ay la dagaalameen kuwa ammaanka, xilli ay howlgal amni xaqiijin ah ka wadeen halkaasi.

“Ciidanka oo howlgal ku jiray oo shaqo maalmeedkooda wada xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkenley waxa ay la kulmeen burcad maleeshiyaad ah oo soo weeraray ciidanka, iskuna dayay inay khalkhal-geliyaan” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu raaciyay ““Shaqsi magaciisa lagu sheegay Sheegow oo ahaaan jiray kabtan ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, laakiin maanta aan ka tirsaneyn ayay ciidankaasu gurigiisa joogeen markii lasoo qabtay oo la xiray ayaa shaqsigii wuxuu soo abaabulay ciidankii kaleeto, si uu amnigii iyo xasiloonidii uu khalkhal u geliyo”.

Haddaba sidee looga falceliyay xarigga Jeneraal Sheegow?

Maxamed Xasan oo kamid ah dadka ka falceliyay xarigga Jeneraalka ayaa yiri “Waxay aheyd in lala hadlo Sheegow wuxuu ahaa sarkaal usoo shaqeeyey Ummadda Soomaaliyeed wuxuuna mudnaa xushmo”.

Burhaan Biikoole ayaa isna yiri “Nin kasta oo amar dowladeed ka horyimaada waa in maxkamad la soo taagaa, waa farxad boolisku waa in ay indhahooda furnaadaan.”

Kaamilo Cabdicasiis ayaa dhankeeda geesi ku tilmaamtay Jeneraal Sheegow ”Geesi garab waayay” ayay tiri.

Amiin Sheekh Xuseen “Sheegoow waa ninkii guryha dhufeyso ka qotay iskuna dayay in caasimadii uu ka dhigo furin dagaal”.

Ismaaciil Nuur ayaa sheegay in laga baaqsan karay dagaalkii dhacay “Waxaan u arkaa talaabo lagaga baaqsan karay oo jeneraalka lagu soo qaban karay hadduu dembi geystay”

Bishaaro Nuur ayaa tiri iyaduna “Aad baan ugu xumahay in shacab dhexdooda lagu dul dagaalamo”.

Cabdinuur Axmed ayaa dhankiisa soo dhoweeyay xarigga jananka “Xarigaasi waa sax” ayuu uga falceiyay aragtidiisa.