Daawo: Howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Galgaduud + Khasaaraha

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Jenetaal Cabdulaahi Cali Caanood oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa warbixin cusub kasoo saaray howlgallada ka socda gobollada Dhexe, gaar ahaan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Caanood ayaa tilmaamay in howlgalladii ugu dambeeyay ee gobolkaas ka dhacay ay guullo waa weyn ka gaareen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, wuxuuna tilmaamay in khasaare lixaad leh lagu gaasiiyay xubnaha kooxa Al-Shabaab.

Afhayeenka ayaa xusay in ciidamada huwanta ay Al-Shabaab ka saareen keymo ku yaalla agagaarka tuulada Jirjir-xiirey, halkaas oo ay ku dhuumaaleynsayeen,

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada ay isku fidiyeen inta u dhexeysa tuulooyinka Baraaka Sheekh Caamir iyo Kala Bayr oo ka tirsan gobolka Galgaduud,

Waxaa kale oo uu tilmaamay in dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Cali-yabaal lagu dilay ugu yaraan 5 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale, waxa uu tilmaamay inuu meel wanaagsan maraya guud ahaan gulufka dagaal ee ka socda gobollada dhexe, kaas oo uu tilmaameen inay ku biireen ciidamo horleh.

Ugu dambeyn Jeneraal Cabdullaahi Caanood  ayaa xusay in ciidamadii ka baxay magaalada Guriceel oo isugu jiro Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay gaareen tuulada Dhagaxweym