Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar (Camey) iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminaayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Wafdiga uu Hogaaminaayo Camey ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, waxaana lasoo warinayaa in imaanshiyahooda magaalada Muqdisho ay la xiriirto arrimaha Doorashooyinka.
Ujeedka socdaalka Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay inay la xiriirto go’aanka Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee ahaa inuu buuxo Kooramka xubnaha loo doortay aqalka hoose ee Barlamaanka.
Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa sidoo kale magaalada Muqdisho kulamo kula qaadan doona Madaxda Dowlada iyo Guddiga Doorashooyinka dadban oo ay kala hadli doonaan ka laabashada Go’aanka lagu shaaciyay inuu buuxsamay Kooramka Xildhibaanada Aqalka Hoose.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar (Camey), ayaa dhawaan ka hor imaaday Go’aanka uu Gudiga Doorashooyinka dadban ku shaaciyay in Kooramka uu buuxsamay.
Camey, ayaa ku tilmaamtay sharci darro go’aankii guddiga doorashadda Dadban ee federaalku ay ku dhawaaqeen in buuxsamay kooramkii xubnaha loo doortay aqalka hoose ee Barlamaanka Federaalku, islamarkaanaXildhibaanada la doortay ay si deg-deg ah u yimaadaan muqdisho oo ay qaataan shahaadooyinkooda xildhibaanimo.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland wuxuu sheegay in doorashada Guddoonka Barlamaanka iyo Madaxweynuhu ay xalaal iyo sharci noqon karta oo kaliya marka ay soo dhamaystirmaan Xildhibaanadda Labada aqal oo ay doorashadoodu weli ka socoto Soomaaliya
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ayaa ku adkeysanaaya inuu buuxo Kooramka xubnaha loo doortay aqalka hoose ee Barlamaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

