Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka hadlay Dagaal maanta ka dhacay magaalada Qandala ee Gobolka Bari kaasi oo u dhexeeyay ciidamada maamulka iyo kuwa Daacishta Somalia.
Guddoomiyaha gobolka Yuusuf Maxamed Wacays Dhaddo oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dagaal maanta ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo maleeshiyaad Daacish, kaas oo ka dhacay meel 50km u jirta Qandala.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Dagaalka oo ahaa mid Qaraaran ay ku dileen 7 ka tirsan maleeshiyaadka Daacish.
Guddoomiyaha waxa uu sheegay in Dagaalka uu ahaa mid ku dhacay si sudfa ah, waxa uuna tilmaamay inay ka gaaren guul muuqata oo cadeyn leh.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in 24 saac ee soo socota ay dib u qabsan doonaan magaaladda Qandala, isagoo tilmaamay in maleeshiyaadka ay laayeen dhammaantood ay ahaayeen Soomaali, islamarkaana ku hubaysnaaa qoryo fudud.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in aysan Wali galin Magaalada , islamarkaana ay joogaan meel u dhow Magaalada Qandala, ayna gali doonaan Saacadaha soo socda.
Dhinaca kale, Ciidamada Puntland ayaa hareereyay hareeraha magaalada Qandala waxa ayna ka biya diidan yihiin in Daacish ay ka baxdo magaalada.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

