26.4 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Madaxtooyada oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii Cumar Cabdirashiid kuna sifeysay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jawaab kasoo saaray hadalkii shalay kasoo yeeray ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ee uu ku weeraray madaxweynaha.

Ra’iisul wasaaraha ayaa shalay Kismaayo ka sheegay in hoggaanka dalka uu fashilmay loona baahan yahay is-beddel lagu sameeyo.

“Waxaa wanaagsan inuu Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid, ilaaliyo anshaxa doorashooyinka iyo mas’uuliyadda wali uu u hayo dalka ee Ra’iisul Wasaarenimo, ma wanaagsana in uu ololaha doorashadiisa shaqsiyadeeyo” ayuu yiri ahaasimaha warfaafinta Villa Somalia Shadoor Xaaji.

Shadoor ayaa intaas ku daray “Madaxweyne Xasan Sheekh , wuxuu mudan yahay in lagu aammaano difaacida dananaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo sidoo kale diidmada faragelinta tooska ah ee shisheeyaha.

Madaxweynu mar walba waa ka go’an tahay illaalinta xaduudaha dalka ee dhanka badda Iyo bariga”. Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa maalmahan waxaa ka dhex oogan xiisad, ayaga oo isku haya cidda madaxweynaha cusub noqoneysa.

Xasan Sheekh ayaa taageero ka helay dowladda Ethiopia, halka Cumar Cabdirashiid ay wataan dalalka Imaaraadka iyo Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News