27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

“Qorshaha 184 ee Cumar Dhagey marnaba lama aqbali karo” Waxaa sidaas ku dhowaaqay….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa shir jaraa’id oo ku qabtay xaruntiisa waxa uu uga hadlay hadalkii Guddoomiyaha gudiga doorasha ee ahaa in 184 Xildhiban lagu qaban karo doorashada.

Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa shegay in qorshaha Cumar Dhagey uusan dastuurka waafaqsaneyn, ayna tahay wax aysan marnaba aqbali karin.

“Waa in doorashada lagu qabtaa ayna ka qeyb galeyn dhammaan xildhibaanada cusub oo dhameystiran” ayuu yiri.

Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa sidoo kale ka hadlay doorashada xildhibanada u socoto isagoo ku boogadiyay maamulada soo dhameestiray doorashada Xildhibanada u matalayo baarlamanka Somalia.

shakQodbada uu Cabdiraxman Cabdishakuur uga hadlay shirka jaraa’id eek a dhacay xarunta ISKUTASHI ee ololaha doorashadiisa ayaa waxaa ugu weynaa saddex qodob.

1- In doorashada xubnaha Somaliland lagu qabto meesha ay doortaan oo ka madax banaan cadaadiska madaxtooyada iyo hanjabaada ciidanka amniga.

2- In ay sharci daro tahay in Baarlamaan qabyo ah doorasho lagu galo. Waa in xubnaha baarlamaanka uu soo dhamaystirmaa, sida uu sheegay.

3- In kuraasta la boobay ee la musuq maasuqay ee ay Gudiga Xalinta Khilaafadka dib u celiyeen sidooda loo filiyaa.

Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa ugu dambeyn waxa uu walaac wayn ka muujiyey is burinta Gudiyada doorashada dadban ee heer Gobol iyo heer Federaal, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo fara gelinta qaawan ee lagu hayo hawlaha Guddiyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News