Camey oo sii hurinaya colaadda Tukaraq kadib tallaabo uu ku dhaqaaqay

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaca ka qaaday inay sii laba jibaarayaan dagaalka ay kula jiraan maamulka Somaliland ee ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Sii wadida dagaalka ayaa waxaa ku dhawaaqay Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar ‘’Camey’’ oo ka hadlaayay dhaqano laga wanaagsan yahay oo uu sheegay inay wadaan ciidamada Somaliland ka jooga Tukaraq.

Camey wuxuu sheegay mar kale in dagaalka Tukaraq uusan joogsan doonin, inta maamulka Somaliland ay heystaan taako ka mid ah dhulka Puntland, kadib markii uu booqasho ku tagay magaalada Buuhoodle.

Camey wuxuu tilmaamay in tagitaankiisa Buuhoodle uu yahay in shacabka magaalada ay taageeraan ciidanka Puntland iyo in la helo dhalinyaro ciidan ah oo ka qeyb qaata dagaalka Tukaraq.

Cameey oo la hadlaayay warbaahinta ayaa yiri “Adeer waxaan cadeynayaa in dagaalka Tukaraq uusan joogsan doonin ma dhaceyso in Somaliland ay nabad ku baaqdo dhibaatooyina kawado Tukaraq’’

Waxa uu intaa raaciyay ‘’Waxa aad la socotaan in laba dagaal uu dhacday, mana joogsan doono dagaalka, waxaan qabaa hadii caalamka uu isku yimaado xaqiiqada marna Puntland kama leexan doonto’’

Waxa uu intaa kusii daray ‘’Xaqiiqadana waxa weeye inta Somaliland ay heysato taako ka mid ah dhulka Puntland dagaalka isma taagi doono,”

Sidoo kale, Cameey waxa uu Beesha Caalamka ka dalbaday in si dhex dhexaadnimo ah ay u xaliyaan dagaalka socda, isagoo cod dheer ku sheegay in dagaalka uusan joogsan doonin, haddii aysan Beesha caalamka noqon dhexdhexaad.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalka ka taagan degaanka Tukaraq ayaa u muuqda mid aan weli laga gaarin natiijo sax ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com