Somaliland oo taallo looga dhisayo Sayid Maxamed Cabdile Xasan, sabab?

Hargeysa (Caasimadda Online) – Xubno isbiirsaday oo u badan aqoonyahanka kasoo jeeda Somaliland ee ku nool magaalada Hargeysa ayaa maalmihii ugu danbeeyey ku hawlanaa dhismaha Taallo Hargeysa looga taagayo Hoggaamiyihii halgankii gumaysi-diidka Sayid Maxamed Cabdile Xasan oo si weyn ugu soo horjeeday gumeystihii Ingiriiska.

Kooxdan aqoonyahanka ah ee isku xilsaaray hirgalinta Taaladan ayaa waxa hormood ka ah Cabdiwahaab Suldaan Cumar Xaaji Daahir “Canule” iyo Dr. Mustafe Maxamed Cabdi “Wayrax”,  kuwaas oo maalmihii ugu danbeeyey ku guda jiray qorshan ay taalada ugu dhisayaan halgamaagii weynaa ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan

Qorshahan muwaadiniintan iskood isu xilka saaray ku hawlan yihiin ayaa lagu wadaa in lagu hirgaliyo si si dhaqso ah.

Dhinaca kale muwaadiniinta hawshani wada ayaa waxa ay baaq u direen madaxda Somaliland ee uu ugu horeeyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in ay gacan ku siiyaan hirgalinta mashruucan

Ujeedada Taaladan Muwaadiniintani uga dhisayaan Sayid Maxamed Cabdule Xasan magaalada Hargeysa ayaa waxa sheegeen si loogu xasuusto isla markaasina aanay u lumin taariikhdii halgankii Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo Mujaahidiintii Daraawiistu lagaleen Gumaystihii Ingiriiska.

Magaalada Jigjiga ee caasimada ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa horay looga taagay taallo lagu weyneynaayo halgankii Sayidka, waxaana la ogsoon yahay taariikhda inuu dagaal la galay xabashadii.

Dhinaca kale Hirgalinta taaladan ayaa hadii lagu guulaysto waxa ay kaalin weyn ka qaadan doontaa inay meesha ka baxdo dacaayadaha been abuurka ah ee Bulshada reer Somaliland laga faafiyey taasoo ah inay kasoo horjeedaan isla markaasina aanay jeclayn Taariikhda iyo Halgankii Mujaahid Sayid Maxamed Cabdile Xasan lagalay gumaysiga.

Sidoo kale Hirgalinta Taaladani waxa ay bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u cadayn doontaa in aan nacayb iyo cunsuriyadi ka jirin Somaliland islamarkaana ay sharaf iyo karaamo u hayaan halyeyadii iyo halgamayaashii qarankan Somaliland ee uu Sayid Maxamed Cabdule Xasan ka midka ahaa,isla markaan waxa ay cadaydoobtaa in Bulshada Somaliland qirsan tahay in Sayidku uu ahaa halgamaa reer Somaliland ah sidaasi darteena ay waxba kama jiraan yihiin wararka beenta ah ee warbaahinta qaar lagu faafinayo ee dadka lagu majara habaabinayo loona tusayo ummadda in Somaliland ay cid gaar ahi leedahay.

Isku soo wada duuboo waxa laga dhur-sugayaa qaabka iyo hanaanka Kooxdan Aqoonyahanka ahi u hirgaliso Taaladan oo noqondoonta mid saamayn badan oo dhinacyo badan leh