Caqabad cusub: Xildhibaannada mooshinka oo shuruud cusub oo adag ku xiray wada-hadallada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xidhibaanada Mooshinka ka keenay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shardi ku xiray wadahadalka ay ka geli doonaan mooshinka Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna arrintaasi si cad ugu sheegeen guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Xubno ka mida guddi xildhaabadu u saareen wada xaajoodka ayaa sheegay inaysan aqbaleynin wakiilashada uu madaxweyne Xasan Sheekh u xil saartay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid inuu u metelo wadahadalka mooshinka, waxayna sheegeen inuusan jirin wax hadal oo ay la galayaan Ra’iisal wasaaraha, isla markaana aanay jirin dhibaato dhex taala xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Guddoomiye Jawaari ayaa ku cadaadinaya xildhibaanada in marka hore ay bilowdaan wadahadalka haddii loo baahdana uu Madaxweynha ku soo biirayo. Xildhibaan C/raxmaan Xooshi oo ka mida guddiga xildhibaanada Mooshinka ayaa sheegay inay ku gacan seyreen wakiilka uu sameystay madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com