YURUB oo abaalmarinaysa Edna Aadan Ismaaciil

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la soo bandhigay xubnaha u taagan in laga soo dhex doorto Shaqsiga u qalma Abaalmarinta Sannadlaha ee ay Barlamaanka Europe siiyaan Shaqsiga loo garto inuu kaalin ka qaatay Hawlaha Samafalka iyo Xuquuqda Aadanaha “European Parliment Human Rights Award”

Shaqsiyaadka laga soo dhex xuli doono qofka mudan Abaalmarintaasi ayaa waxaa ka mid ah:
Qandaraaslaha Maraykanka ee Edward Snowden oo kashifay Macluumaad badan oo dhinaca Mukhaabaraadka ee ay Hay’adda Ammaanka Qaranka Maraykanka (NSA) ku dhegeysatay Telefoonadda Madax ka tirsan kuwa Calaamka oo uu ku jiro Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia.

Waxaa kaloo liiska ka mid ah Edna Aden Ismail oo ah Haweeney Somali u dhaqaaqda Samafalka iyo Xuuquuqda Adanaha.

Edna Aden Ismail, waxay u dhixi jirtey Madaxweynihii ugu horreeyey ee Maamulka la magac baxay Somalia, Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Waxaa kaloo Abaalmarintaasi u sharxan Nin Sacuudiyaan oo lagu magacaabo Raif Badawi oo wax ku qoray Shabakadaha Bloggers.

Sidoo kale, Aqoonyahan u dhashay dalka Raashiya oo bishii February lagu dilay magaalladda Mosko ayaa ka mid ah Shaqsiyaadka u taagan Abaalmarinta “European Parliment Human Rights Award”

Guddiga Barlamaanka Europe ugu qaabilsan Arrimaha Dibedda iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa la filayaa inay bishan Sept. 28-da yeeshaan Kulan lagu xulayo Shaqsiga u qalma Abaalmarintaasi.

Go’aanka Musharaxa ku guuleysta Abaalmarintaasi waxaa lagu dhawaaqi doonaan bisha October ee sannadkan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com