Jubaland oo toogasho ku fulisay toddoba askari

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi qorox dhicii galabta ay ka dhacday toogasho.

Ciidamo ka tirsan Militeriga Maamulka ayaa toogasho ku fuliyay 7 askari oo ka tirsanaa kuwa Maamulka, waxaana dilka askartaasi uu la xiriiraa Qaraxii shalay ka dhacay Xerada Shirkole Officiale ee Magaalada Kismaayo.

Toogashada Askartaasi ayaa waxaa amray Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, isaga oona ku eedeeyay in kaalin weyn ay ka qaaten qorshaha Qaraxaasi lagu dilay 3 Sargaal.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay Fagaaraha Kiboora, waxaana goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiinta Maamulka iyo Saraakiil ciidan.

Amarka lagu dilay askartaasi ayaa waxaan xukmin cid kale oo aan aheyn Axmed Madoobe oo isagu ku shaqeynaaya xilka Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida.

Dilkaani lagu fuliyay 7 Askari ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee uu maamulka fuliyo, inkastoo si degdeg ah lagu fuliyay qisaasta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com