Bulshada Rayidka ah iyo Dhalinyarada Muqdisho oo ka dooday doorashada 2016-ka + Dhageyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta oo Jimco ah bishana aay tahay September 18, 2015 lagu qabtay Hotelka Naasa Hablood shir weyn oo aay soo qaban qaabiyeen ururada dhalinyarada iyo bulshada rayidka ah. Shirkaan oo diirada lagu saaray habka iyo hannaanka loo wado in aay u qabsoonto doorashada sanadka danbe ee 2016.

Shirkaan oo ujeedkiisa ahaa in aanay marnaba bulshada Soomaaliyeed aqbaleyn in markale loo soo qoro roadmap, kaasoo aay ummada Soomaaliyeed aanay marnaba yeeleyn in aayahooda lagu saleeyo fekero aay wataan ajaaniib danna u ahayn jiritaanka qaranimo iyo in la helo in Soomaali aay dib u hantaan haykalkii dowladnimo.

Dood dheer kaddib ayaa shirka waxaa ka hadlay aqoon yahano iyo wax garad kuwaasoo si hufan u qaadaa dhigay waxa looga fadhiyo dowladda, gaar ahaan xukuumadda iyo baarlabaanka.

Garyaqaan Cabdulqaadir Xuseen oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in looga fadhiyo xukuumadda iyo baarlabaanka in aay dar-dar geliyaan dhismaha maxkamad dastuuri ah oo fure u noqota in Soomaaliya aay hesho hay’ad garsoor oo kala saarta is qab-qabsiga soo batay ee mar walba nagaadiyay hannaanka dowlad wanaagga, hadii aay noqon lahayd dhanka xukuumadda, madaxtooyada iyo dowladaha ku meel gaarka ah ee gobolada. Mar haddii la helo hay’ad turjunta dastuurka iyo sharciga, waxaa meesha ka bixi doona shisheeyaha mar walbo ku dhex milmay siyaasadda Soomaaliya ayuu yiri Garyaqaan Cabdulaqaadir.

Waxaan wada ogsoonahay in aay doorasho dhici doonto sanadka danbe 2016. Yaa ii sheegi kara nooca aay noqoneyso doorashadaas ayey tiri Drs. Caasho Axmed. Cid maanta og ma jirto habka aay doorashada u dhaceyso oo aan ahayn Nicholas Kay, ayey hadalkeeda raacisay.

Waxaa todobaadyadii ugu danbeeyay soo badanayay guuxa shacabka oo aad uga welwelsan doorashada 2016. Kaddib markii RW iyo Madaxweynahaba aay sheegeen in aanay dhici doonin doorasho qof iyo codkiisa ah, ayaa haddana waxaa jira in ergeyga qaramada midoobay Nicholas Kay uu ku jiro damac ah inuu isu keeno Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad goboleedyada halkaana ku daah furo noocii aay noqon lahayd doorashada 2016. Nicholas Kay ayaa raba in mar kale xildhibaanada lagu soo xulo habka 4.5.

Waxaa iyana xusid mudan in aqoon yahano Soomaaliyeed aay iskood isu abaabuleen kuna taliyeen in aan marnaba la aqbalin roadmap iyo in shisheeya ka taliyo aayaha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Gar yaqaan Cabdiwaaxid Qalinle oo ka mid ah aqoonyahana ururka Gurmad oo wareeysi siiyay idaacadda VOA ee martida micrafoonka ayaa daaha ka rogay in hannaanka kaliye ee u furan in Soomaaliya aay doorasho ka dhacdo aay tahay in Baarlabaanka JFS uu ansixiyo sharciyada horyaal inta ka horreysa Bisha Disember ee sanadkan 2015, dabeedna horraanta bisha Janaayo ee sanadka 2016 muddo kordhin loo sameeyo baarlabaanka JFS si aay u dhameystiraan una turxaan bixyaan dhammaan howlaha ka qabyada ah oo ka gaabisay soo gudbinteeda Xukuumada iyo golaha fulinta oo dhan. Ururka Gurmad ayaa gebi ahaanba ka soo horjeeda in hannaanka 4.5 mar danbe aanan wax lagu dhisan, waayo ayuu yiri Garyaqaan Cabdiwaaxid. Waa sharci darro dastuurka qabyo qoraalka ahna ma ogala in wax lagu soo dhiso 4.5.

Halkan hoose ka dhegeyso wareeysiga.

Shirkii maanta ayaa la isku raacay in Soomaali loo daayo in aay aayaheeda siyaasadeed aay si xor ah uga tashadaan, isla markaana baarlabaanka lagu booriyo in aay dedijyaan meel marinta iyo dhameystirka shuruucda xisbyada badan, iyo meel marinta maxkamad dastuuri ah oo iyada horseed u noqon doonta aaya ka talinta garsoorka iyo meel marinta in la helo dowlad buuxda oo leh garsoor sharciyadeed, gole fulin iyo gole sharci dejin.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimadda@live.com