JAWAARI oo 30 maamlmood u qabtay R/W CCC

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa Xukumadda Soomaaliya ee ra’iisul wasaare Cumar Cabdirasiid amar ku siiyay in muddo Sodon maalmood ah ay ugu soo gudbiso Sharciga Asxaabta Siyaasadeed ee Dalka ka jira.

Isagoo ka hadlayay kulankii shalay ee Baarlamaanka ayuu Prof. Jawaari sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu xukuumadda ka dalbaday la bilood ka inay wadatashi la sameeyaan Haweenka, Dhalinyarada, Culimada iyo Ururada Siyaasadeed ee Dalka ka jira.

Guddoomiye Jawaari ayaa ku socda qorshe degdegsan iyadoo hore Baarlamaanku uga gaabiyay sharciyadii la doonayay in la ansixiyo ayaa waxaa hadda muuqda in wax waliba degdeg lagu qaban doono.

Xisbiyo siyaasadeed fara badan ayaa dalka ka dhismaya iyadoo aanu jirin sharci kala hagaya xisbiyadaasi, isla markaana hiigsiga cusub lagu sii dhowaanayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com